Madaxweynaha “Nin sarkaal oo xamar joogo oo ciidankiisa furunta fadhiya wax macno kuma fadhiya”

Madaxweynaha “Nin sarkaal oo xamar joogo oo ciidankiisa furunta fadhiya wax macno kuma fadhiya”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa canaan kulul u jeediyay Saraakiisha Ciidamada xooga dalka, isagoo qaar ka mid ah Saraakiisha ku tilmaamay kuwo magac u yaal ah oo aan wax macno ku fadhiya aan laheyn.
Isagoo shalay booqanayay xeryaha Ciidamada ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay Saraakiisha hogaamisa ciidamada ee Muqdisho isaga raaxeysta ee la nool qoysaskooda iyo caruurtooda, halka Askartii ay hogaaminayeen ay ku jiraan furunta dagaalka iyo duurka.
“Taliyaal halkan fadhiya ama sarkaal baabuur ku wata oo xamar jooga waa ogtihiin inay jiraan, kuwaas marka waa taliyeyaal magac u yaal ah, dhahaya anaga Taliye hebel ahaaneynaa waxaa la noolaaneynaa qoysaskeena, habeenkii gurigiisa degan yahay, nalkiisa u daaran, askartii uu watay waxay ku jiraan furunta”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay Saraakiisha ciidamada inay raali ka yihiin in Al-Shabaab soo laabtaan oo dalkaan ay degaan, isagoo xusay in naceybka Shabaab kaliya aanu dalka looga saari karin, balse Saraakiisha la doonayo in doorkooda qaataan
“Sarkaalka inta diray askari furunta geeyay, oo isaga inta xamar u soo noqday baabuur ku dhex wata waa nasiib daro, kaas shabaab dalka inuu dego uu raali ka yahay, shabaab necbahay shabaab kuma tagayo, sarkaalka sariirtiisa iska seexanaya wuxuu sabab u yahay qoorta culimada laga gooyo, dadkii la ihaaneyso, sarkaalkaas saas ayuu ka raali ka yahay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tibaaxay in Askari dambi geysta aan Maxkamad la soo taagi karin, iyadoo Sarkaalkii hogaaminayay aan la socon, waxaana sababta askariga dhibka u geysanaya, oo uu jidka u galayo ku tilmaamay mid ka dambeysa sarkaalkii hogaaminayay aan la socon.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday in Xafiiskiisa ku soo gaaray in Ciidamada milateriga ay jidgooyooyin dhigtaan wadada isku xirta Muqdisho, Shabeelooyinka ilaa Baydhabo, waxaana uu cadeeyay in Saraakiisha looga baahan yahay inay wax ka qabtaan.
Madaxweynaha ayaa canaanta uu u jeediyay saraakiisha ciidamada ay aheyd tii u horeysay oo uu si toos oo fool ka fool ah ugu jeediyo, kadib markii shalay uu booqday Xarunta wasaaradii hore Gaashaandhiga, talska Villa Baydhabo iyo xaruma kale.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada