WAR DEG DEG: Agaasimihii Hey’adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi oo is casilay

WAR DEG DEG: Agaasimihii Hey’adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi oo is casilay

Agaasimihii Hey’adda Nabadsugida qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, kadib markii shalay uu Madaxweynaha Soomaaliya uu ugu gudbiyay warqadii istiqaalada.
Shir jaraa’id oo uu Saxaafada ugu qabtay magaalada Muqdisho ayuu ugu faah faahiyay is casilaadiisa, isagoo ka warbixiyay mudadii uu hayay xilkaas iyo waxqabadkiisa mudadii 22-ka bilood ee uu xilka hayay.
“Waxaan go’aansaday inaan ka istiqaalooda xilka aan soo hayay muddo 22-bilood ee ahaa Agaasimahada Guud ee Hey’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka, shalay oo taariikhda aheyd 24-kii bishii Maarso ayaa u gudbiyay warqadii istiqaalada, waxaan cadeynayaa in aysan jirin cid igu qasabtay”ayuu yiri Agaasimihii Hey’adda Nabadsugida qaranka Axmed Macalin Fiqi.
Mr Fiqi ayaa sheegay in waxyaabo badan uu qabtay tan iyo xilkaas intii uu hayay, isagoo xusay inay ka hortageen falal kala duwan oo Argagixiso sida uu yiri.
Waxaa uus heegay inuu garowsan yahay in la heli doono hogaan sii wada howsha, si howlaha dalka iyo dadka ugu soo baxo, isla markaana dantiisa uu ka hormariyo mida dalka.
Axmed Macalin Fiqi oo horay u soo noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiya Sudan ayaa xilkan waxaa u magacaabay Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG Shariif Sheekh Axmed oo ay aad isugu dhowaayeen, kana tirsanaa Midowgii Maxkamada Islaamiga ee sanadkii 2006-dii maamulayay Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Istiqaalada uu gudbiyay Axmed Macalin Fiqi ayaa ku soo aadeysay todobaad kadib markii Madixii Muqaabaraadka Muqdisho Khaliif Axmed Ereg uu ka bad baaday weerar ismiidaamin ah oo la doonayay in lagu qaarijiyo.
In dhawaalaba waxaa la hadal hayay in is bedel lagu sameynayo Hey’adda Nabadsugida qaranka, taasoo qeyb ka aheyd is bedel guud oo lagu sameynayay Hogaanka ciidamada qalabka sida, waxaana Nabadsugida qaranka ka mid tahay Hey’adaha ammaanka dowladda kuwa ugu tunka weyn.
Hey’adda Nabadsugida qaranka ayaa leh ciidamo si gaar ah u tababaran oo loo yaqaano Gaashaan Group, kuwaasoo Muqdisho ka fuliya howl galada gaarka, waxaana ciidamadan gaarka lagu tilmaamaa kuwo ugu tayada wanaagsan ee ciidamada dowladda ay leedahay.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada