Muuqaal,Gabar Soomaali ah oo lagu Dilay Magaalada Toronto ee Dalka Canada (Video)

Muuqaal,Gabar Soomaali ah oo lagu Dilay Magaalada Toronto ee Dalka Canada (Video)

Haweeney Soomaali ah oo ku noolayd dalka Canada ayaa waxaa la sheegay inuu dilay nin cadaan ah oo ay saaxiib la ahayd islamarkaana ay u lahayd 2 caruur ah oo ay u dhashay. Madama in muda ah ay wada noolayeen, Ayaan Cisman oo lagu naaneysi jirey Denise Oo Aheyd Haweeneda Soomaalida ah ayaa da,deeda waxay aheyd 28 sano jir kuna noolayd magaalada Toronto ee dalka Canada islamarkaana lahayd 2 caruur ah oo ay u dhashy nin cadaan ah oo ay saaxiib ahaayeen ayaa waxaa la sheegay in si xun loogu dilay mindi iyadoona sida uu booliisku sheegaayo in loo qabtay falkaas lagu dilay haweeneydaas Soomaalida ninka cadaan ah ee ay saaxiibka ahaan jireen islamarkaana ah aabaha dhalay 2 caruurta ah ee ay dhashay Haweeneydaas Soomaalida ah, ninkaan oo sida la sheegay soo gaarey guriga haweeneydaas Soomaalida xilli ay halkaas ka socotey xaflad ayaa waxaa la sheegay inuu la dhacay mindi haweeneydaas iyadoona ay goobtaas ku kala carareen dadkii goob jooga ahaa xafladaas.

Si kastaba ha ahaatee iyadoo qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay is weydiin karaan sababta qof haween oo Soomaali muslim ah ay xiriirka noocaas oo kale ah oo ah kan lagu yaqaano dumarka gaalada ah ay ula yeelatay ninkaas cadaanka ah islamarkaana ay ugu dhashay saaxiibtinimo 2 caruur ah ayaa arintaasi waxay tahay mid ku cusub dadka Soomaaliyeed, ninkaas gacan ku dhiiglaha ah ayaa markii uu falkaas geystey oo uu ka baxsaday goobta ayaa waxaa uu u cararay goob wado saxmad oo highwayga ah taas oo keentay uu ku dhacay baabuur xilli uu damacsanaa inuu baxsado ninkaas oo ay booliisku qabteen ayaa waxaa halkaas ka soo gaaray dhaawac, Haweeneyda Soomaalida iyo ninkaan cadaanka ay ee dilay ayaa la sheegay inaysan isku fiicneyn waqtiyadii ugu dambeeyey iyadoo sida la sheegayna uu ninkaas u geystay falkaas maseer dartiis uu ka masayray haweeneydaas Soomaalida ah ka dibna uu qaarijiyay


VIDEO HALKAN KA DAAWO:-


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada