Gabar Taageero u ah Haifa oo Arab Idol ka qeyb gashay Jimcihi oo la sheegay iney is dishay.

Gabar Taageero u ah Haifa oo Arab Idol ka qeyb gashay Jimcihi oo la sheegay iney is dishay.

Raqda Al Jabir oo u dhalatay dalka Iraq oo ka qeyb gashay Jimcihi barnaamijka  'Arab Idol' ayaa warar soo baxay waxa ay sheegayaan iney is dishay, waxaana sabab looga dhigay arintaan kadib markii Raqda weji gabax kala kulantay barnaamijkaan.


Gabadhaan ayaa Arab Idol uga soo qeyb gashay qaab ka baxsan qaanuunka barnaamijka, iyadoo dhaajisay hab labaiska iyo hab dhaqanka fanaanada caanka ah ee reer Lubnan Haife Wahbe. 

Garsoora yaasha Arab Idol ayaa Raqda u sheegay ineysan  wax guula u noqoneyn in qof kale ay metesho balse ay la timaado wax iyada u gaar ah oo lagu qiimeeyo, iyadoo kadibna markii ay heestay goobta ka carartay iyadoo xitaa aan sugin hadaladii garsoorayaasha.


Warar xili dambe soo baxay ayaa tilmaamaya in Raqda Jabir is dishay laakiin weli wax xaqiiqo ah lama haayo iyadoo ay hada ku mashquulsanyihiin xaqiijinta warkaan kooxda barnaamijka Arab Idol.


 
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada