Haweenk Waa Sida Muraayad Oo Kale Sida Aad U Ilaalsato Ayay Ku Xeran Tahay .

Haweenk Waa Sida Muraayad Oo Kale Sida Aad U Ilaalsato Ayay Ku Xeran Tahay .

Jaceylka Dad badan ayaa Taariikh Kaga Tagay oo loo Aasay Isla Markaana Maanta Ku Qoran Buugaagta Ugu Waa Weyn ee Taariikhda Caalamka Waxaa Ka Mid ah Qeys iyo Leyla Cilmi Boodhari iyo Hodan,Cali iyo Cowrala iyo Lamaane Kale Intase u Dhaawacase Lama Soo koobi Karo oo Waa ay tiro badan yihiin Qaarbaa Jirkooda La Dhacay Sakiin Si Ay Ugu Qoraan Magaca Ruuxa Ay Jacel Yihiin Qofkana waxa uu Ogaan Karaa Marka uu Noloshaasi uu Guda Galo.
Jaceylku malahan hadaba yaraan iyo weynaan midab cadaan iyo madow ee waa hadba sida uu kuu haleelo
Khibrad dheer oo arrimo badan oo qoysaska lagu ku dhex galay kadib, ayaa waxaa la yaqiin saday: in ninka jacaylkiisu uu soo maro: indihiisa, sankiisa iyo calooshiisa..yacni gabadha indhaha u roon, uduga badan oo gaajada ka ilaalisa ayuu jecelyahay…Waxaa ragow ogaataan dumarkana jacaylkoodu wuxuu soo maraa: qalbiga, naxariista iyo daryeelka.
Gabadha qalbigeedu waa muraayad oo waxaa ka buuxa nugeyl xad dhaaf ah hadaad iska ilaaliso inaad jebiso wey ku jeclaan..Naxariis hadaad u muujisana wey ku jeclaan, qalbi wanaag iyo daacadnimana waa ayba ku aaminayaan ragoow quburo caalami ahi ayaa taa horey u baaray , inaga ka shaqsiyaad ahaana waanu dareemi karnaa hadii aan idin siiyo qishkan yar ,, gabadhu waa dahab waxa ayna u baahan tahay qof ilaashada dahabkaasi oo ka miro dhalo ogaaw waxa kaliya ee ka faa’iidi karo waa ninka aanan ku dheelin ….

waayo waa daciif…mar uur, marna umul, marna dhiig, marna xanuun, marna hawl guri iyo ciyaal..tan saddexaadna waa daryeel, guriga hasoo gelin adoon hadiyad u wadin! Suuqana hasoo marin adoon tan ayaa kula jeclaaday oran Hadaad awoodana hala xisaabtamin!
Ragow sirtaas meel ku qorta…Gabdhahana Nin waxaa ugu daran gabar dhega adag…nimanka u nuglaada wax walba waad ka heleysaan..Indhohooda ilaasha..ha is dhiganina oo ha oran kan gacantuu kuugu jiraa, waxba dhib maleh, ogow hadaad saas noqoto indhihiisu iney meel kale aadayaan .

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada