Howlihii Garoonka Diyaaradaha oo dib u soo laabtay, kadib markii muddo saacado ah uu hakad galay

Howlihii Garoonka Diyaaradaha oo dib u soo laabtay, kadib markii muddo saacado ah uu hakad galay

Waxaa goor dhow uu dib u soo laabtay habsami u socodkii howlihii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho, kadib markii saakay abaarihii 6-dii subaxnimo la hakiyay, isla markaana la diiday in gelis iyo bixid.
Howlaha Garoonka ayaa hakad u galay, kadib markii laga shakiyay Gaari ku jiray gudaha garoonka oo ka mid ahaa gawaarida ay isticmaasho Shirkada SKA, kaasoo yaalay qeybta ay soo caga dhigato diyaarada qaadka keenta.
Gaariga oo ahaa mid looga shakiyay in waxyaabo qarxa ku xirnaayeen ayaa sabab u noqday in guud ahaan la xanibo dhaq dhaqaaqii garoonka, halkaasoo Ciidamada AMISOM oo watay eeyaha u tababaran urinta waxyaabaha qarxa iyo maandooriyaha ay geeyeen.

Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka ayaa sheegay in saakay eeyaha ay ka shakiyeen gaadiid yiil barxada garoonka, taasna ay sabab u aheyd in la hakiyo howlihii garoonka, balse markii la baaray shakigaas la fasaxay howlihii garoonka iyo duulimaadyadii ka socday.
Inkastoo Saraakiisha Ammaanka garoonka aan wax war ah ka soo bixin, hadana shakigi jiray inay bixiyeen iyo in kale kama aysan hadlin, walow mar dambe lagu war geliyay Ilaalada Garoonka inay dib u fasaxaan dadkii ay ku celiyeen banaanka.
Diyaaradihii taagnaa garoonka ayaa Pilot-yada lagu wargeliyay inay ka degaan diyaarada, kadib markii uu sii xoogeystay shakiga laga qabay in gaari ka mid ah kuwa ku jiray garoonka dhexdiisa ay miino ku xiran yihiin.
Arrintan saakay ka dhacday garoonka diyaaradaha ayaa loo arkaa mid qal qal ku ah ammaanka garoonka oo ka mid ah goobaha sida aadka ah loo ilaaliyo, iyadoo la is weydiinayo sababaha marka hore keenay shakigan.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada