Xildhibaanadii ugu badnaa ee booqda deegaanka ay ka soo jeedaan oo maanta gaaray magaalada Jowhar+(Sawiro)

Xildhibaanadii ugu badnaa ee booqda deegaanka ay ka soo jeedaan oo maanta gaaray magaalada Jowhar+(Sawiro)


Xildhibaanadii ugu horeeyey noqdayna kuwii ugu badnaa ee booqda deegaan ay ka soo jeedaan ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Jowhar tan iyo markii ay ka guurtay dowladii Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jowhar.
Xildhibaanadan ayaa waxaa ka mid ahaa C/dir  Cosoble Cali,Khadiijo Maxamed Diiriye,Daahir Amiin Jeesow,Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,Cumar Maxamuud Maxamed Filish, Maxamed Cumar Ceymoy, XIldhibaan Maxamedamiin iyo qaar kale ayaa waxa ay meel fagaare ah kula hadleen boqolaal ruux oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar.
Waxana ay mudanayaasha baarlamaanka ay u sheegeen dadkii soo dhoweeynayay in ay doonayaan in ay ogaadaan xaalada nololeed ee shacabka ay ku nool yihiin isla markaana ay u gudbiyaan dowlada.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxa ay ujeedada socodkoodu lagu sheegay in ay tahay mid ay u kuurgalayaan xaalada ammaan iyo tan nololeed ee ka jirta gobolka Sh/dhexe.
Xildhibaanadan oo ay safarkoodu ahaa mid dhinaca dhulka ah ayaa waxaa la socday guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow Calasow.
Waa markii ugu horeysey ee magaalada Jowhar ay soo gaaraan mudanayaal ka socday baarlamaanka tan iyo markii magaalada Jowhar ay ka baxday gacanta ururka Alshabaab 9kii  December 2011.
Xildhibaanadan ayaa waxa ay bilaabeen in ay si gooni gooni ah ula kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Jowhar, waxaana aad loo adkeeyay guud ahaan ammaanka magaalada Jowhar.








_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada