Wararkii ugu dambeeyay wada hadalada ka socda Kismaayo iyo Is mari waa ka taagan

Wararkii ugu dambeeyay wada hadalada ka socda Kismaayo iyo Is mari waa ka taagan


Iyadoo maalintii labaad uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku sugan yahay magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose, ayaa waxaa is mari ku saabsan habka loo ambaqaadayo wada hadalada ku saabsan maamul u sameynta Jubooyinka uu dhex yaalaa wafdiga Ra’iisul Wasaaraha hogaaminayo iyo Maamulka KMG.

Labada dhinac ayaa kala wata ajandayaal kala duwan, iyadoo xaalka u muuqda mid aan wali saldhigan, gaar ahaan qaabka wada hadalada loo bilaabi doono, waxaana Ra’iisul Wasaaraha uu wataa ajande ku saabsan in deegaanada Jubooyinka ee maamulada loo sameynayo ay dowladda hogaankeeda lahaato.
Wararka ayaa sheegaya in Maamulka KMG ay ka biya diidan yihiin qorshaha Xukuumada, taas bedelkeed waxay dalbadeen in shirweynihii socday dib loo furo, dowladdana ay ka qeyb qaadato sidii halkiisa looga ambaqaadi lahaa, isla markaana lagu doorto maamulkii matali lahaa deegaanada Jubooyinka.
Hotelka uu degan yahay Ra’iisul Wasaaraha oo ammaankiisa aad loo adkeeyay ayaa la soo sheegayaa in wada hadalo gaar gaar ah ay ka socdaan, waxaana Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee Wasiirada iyo Xildhibaanada ka kooban ay doonayaan in Maamul KMG oo lix bilood loo sameeyo deegaanada Jubooyinka iyo Gedo, kadibna maamulkaas diyaariyo qorshe doorasho oo deegaan deegaan loogu soo doorti cidii hogaamin laheyd.
Qareeno u doodaya Maamulka KMG ee Kismaayo oo lagu arkay Hotelka ayaa soo qaadanaya qodobo ku jira Dastuurka, iyagoo hor dhigayay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, waxaana habka loo marayo maamul u sameynta ay leeyihiin in dadka deegaanka ka timaadaa, iyagana ay dooranayaan, dowladdana aanay shaqo ku laheyn, isla markaana dhamaan ergadii ka kala socotay deegaanada ku sugan yihiin Kismaayo.
Is mariga waaga arrintan ka taagan ayaa waxay keentay in wafdi ka socda IGAD ay yimaadaan Kismaayo, si ay arrinta u qaboojiyaan, hase ahaatee IGAD ayaa waxay u muuqdaan kuwo dhinac kala safan Axmed Madoobe, isla markaana dowladda aanay wali qaadan go’aankeeda.
Dadka odorasa siyaasada ayaa saadaalinaya in wada hadalada ka socda Kismaayo ugu dambeyn ay ku biyo shuban doonaan fashil, maadaama shuruudaha iyo ajandayaasha la kala wato ay yihiin kuwo aad u kala fog, mowqif dhow oo laga qaato ay adag tahay.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada