Wada hadalada ka socda Kismaayo oo maanta la soo gaba gabeynayo iyo qodobo laga soo saarayo

Wada hadalada ka socda Kismaayo oo maanta la soo gaba gabeynayo iyo qodobo laga soo saarayo

Wada hadalada ka socda magaalada Kismaayo ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo, iyadoo dhinacyada shirka u socdo ay magacaabeen gudiyo farsamo oo soo diyaariya qodobada labada dhinac ku heshiinayaan.
Inkastoo saacadihii u dambeeyay ay jireen is mari waa u dhaxeeyay labada dhinac oo ku saabsanaa qaabka wada hadalka loo ambaqaadayay, ayaa hadana waxaa la soo sheegayay inay jireen ajandayaal ay kala wateen labada dhinac.

Tan iyo xalay ayaa waxaa u socday labada dhinac kulamo gaar gaar ah oo ku saabsanaa qaabka wax loo wadi doono, iyo sidii labada dhinac qodobo muhiim ah ay isku afgarteen, waxaana rajo laga muujiyay in wada hadalada maanta la soo gaba gabeeyo.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in wada hadalada ay meel wanaagsan marayaan, isla markaana ajandayaasha looga hadlayo ay ka mid yihiin Mustaqbalka Jubooyinka, taasoo uu xusay inay ka soo bixi doonto wax umada Soomaaliyed ku farxi doonto.
Qodobada la isku waafaqaya ayaa waxaa ka mid ahaa Arrimaha maamulka iyo federaalka, arrimaha amniga iyo ciidamada, arrimaha dib u heshiisiinta, arrimaha dekeda iyo air porka iyo dib u xoreynta deegaanada gacanta ku jirin ee Jubooyinka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa qaba in Maamul KMG oo lix bilood loo sameeyo deegaanada Jubooyinka, kadibna la guda galo sidii maamul dadka deegaanka soo doortaan loo sameeyo, inkastoo Maamulka KMG ee Kismaayo uu doonayo in shirkii horay u socday la ambaqaado, ergadii ka qeyb galeysay ay u fariisteen dhameystirka shirweynahaas ee maamul u sameynta Jubooyinka.
Dhinaca kale Afhayeenka Maamulka KMG ee Kismaayo C/naasir Seeraar ayaa sheegay in aanay jirin wax is faham daro oo u dhaxeeya iyaga iyo dowladda, waxaana uu cadeeyay in wax walba ay wanaag ku socdaan, isla markaana waxa laga hadlayo ay yihiin masiirka umada sida uu yiri.
Jubooyinka oo ah deegaano istiraatiiji ah ayaa waxaa soo maray maamulo kala duwan oo u saamaxayay marba xilli in qoladii awooda ku qabsata ay maamusho, iyadoo lagu tilmaamo gobolka ugu badan ee khilaafyada siyaasadeed iyo gacan ka hadalka uu ku dhex maro qabaa’ilada wada dega.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada