Man City Oo War Farxad Leh Heshay Iyadoo Aguero Uu Taam U Yahay Inuu Wajaho Newcastle.

Man City Oo War Farxad Leh Heshay Iyadoo Aguero Uu Taam U Yahay Inuu Wajaho Newcastle.

Sergio Aguero ayaa diyaar u ah inuu dib u soo kiciyo xilli ciyaareedka Manchester City ka dib markii uu sheegay inuu markii ugu horeysay muddo  bil ah taam yahay.

Gooldhaliyaha kooxda City ayaan ciyaarin tan iyo kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Chelsea ee horyaalka Ingariiska ee dhamaadka bishii hore ka dib markii dhaawac jilibka uu soo gaaray. 

Laakiin xiddiga reer South America ayaa dib ugu soo laabtay tababarka ka dib markii daweyn uu ku soo qaatay dalkiisa Argentinal, waxaana uu fursad u heystaa inuu ciyaaro kulanka ay horyaalka sabtida ku soo dhaweynayaan Etihad Stadium kooxda Newcastle.

Iyadoo City ay 15 dhibcood ka danbeyso kooxda hogaanka heysa ee Manchester United, waxa ay u badan tahay in Roberto Mancini uu u nasasiin doono Aguero kulanka horyaalka si uu u ciyaarsiiyo kulanka Manchester Derby ee 8da bisha April iyo kulanka semi-finalka FA Cup ee ay la ciyaari doonaan midkood United ama Chelsea 6 maalmood ka dib Manchester Derby ka dhaceysa Wembley.

Tababaraha City ayaase ku faraxsanaan doona in mar kale uu Aguero diyaar u noqdo inuu ciyaaro isagoo isku dayaya inuu horjoogsado farqiga u dhaxeeya iyaga iyo United inuu noqdo mid faraha ka baxa oo ceeb ku noqda.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada