Michael Dawson : Waxaan Roy Hodgson Ka Rajeynayaa In Uu Isiiyo Fursad Aan Uga Qeyb Galo Koobka Aduunka.

Michael Dawson : Waxaan Roy Hodgson Ka Rajeynayaa In Uu Isiiyo Fursad Aan Uga Qeyb Galo Koobka Aduunka.


Kabtanka kooxda Tottenham Michael Dawson oo dib ugu soo laabtay heer ciyaareedkiisii wanaagsanaa ka dib markii uu ka soo caafimaaday dhawacyadii hareeyay ee saameynta ku yeeshay in qaranka Ingiriiska looga yeerin ayaa haatan sheegay in tababare Roy Hodgson ka rajeynayo in uu siiyo fursad uu qaranka ugu soo laabanayo si koobka aduunka 2014-ka uga mid noqdo.

Xiddigaan 29-sano jirka ayaa ku riyoonaya in qarankiisa u matalo koobka aduunka ee Brazil lagu qabanayo si aayihiisa dhanka ciyaaraha caalamiga ah ugu soo afjaro qaab wanagsan , waxaana la tilmaamayaa in uu haysto fursadaas maadaama daafaca Chelsea John Terry uu iska casilay qaranka iyadoo tababare Roy Hodgson uu laba jeer qaranka ka reebay daafaca United ee Rio Ferdinanad.

Dowson ayaa dagaal u galay in mar kale booskiisa Tottenham helo ka dib markii uu diiday dhawaan in uu ku biiro kooxda QPR oo si weyn u xiiseneysay.

Ilo wareedyo ayaa dhanka kale tilmaamaya in ay suur gal noqon karto in magaca Dowson lagu soo daro liiska ciyaartooyda qaranka Ingiriiska oo haatan u diyaar garoobaya kulamo ku aadan is reeb reebka koobka aduunka .

Bogga Talk Sport ayuu ka yiri laacibkaan ” in la iiga yeero qaranka waxa ay ii tahay riyo igu taagan , haatan si joogto ayaan ugu saftaa Tottenham waxaana wax lagu farxo ah in qaranka la iiga yeero “.

Dhawaan ayay aheyd markii tababaraha Tottenham Villas Boas uu qiray in uu qaldamay markii uu ogalaaday in laacibkaasi u wareego kooxda QPR oo intii kala wareega ciyaartooyda aad u dooneysay.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada