Qarax ka dhacay degmada Buuloburte oo ay ku dhinteen dad miinooyin diyaarinayay

Qarax ka dhacay degmada Buuloburte oo ay ku dhinteen dad miinooyin diyaarinayay


Qarax ka dhacay magaalada Buuloburte ayaa geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo qaraxana laga maqlay guud ahaan magaalada Buuloburte.
Wararka ka imanaya magaalada Buuloburte ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay guri ay degenaayeen saraakiil ka mid ah ururka Alshabaab waxaana dadka ku nool magaalada Buuloburte ay sheegeen in uu ahaa qaraxan mid dadkii farsamaynayay ay waxyeelo ka soo gaartay.
Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in qaraxan uu geystey qasaare xoog leh ayna ku dhinteen ciidamo aan la cadeyn tiradooda oo ka tirsan ururka Alshabaab.Iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in illaa toban ruux ay ku geeriyoodeen qaraxan.
Waddooyinka soo gala guriga uu ka dhacay qaraxan ayaa la xirey iyadoo dadkana loo diiday in ay u soo dhowaadeen.
Illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ururka Alshabaab eek u saabsan qaraxan iyadoo magaalada Buuloburdana caawa laga dareemayo xiisad ka dhalatay qaraxan.
Ururka Alshabaab ayaa waxaa dulsaaran culeys badan oo kaga imanaya ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, waxaana maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay magaalada Beledweyne iyo Jowhar diyaargarow guluf lagu qaadayo degmada Buuloburte oo ah degmo muhiim ah kuna taal meel istiritaaji ah.
Dowlada Soomaaliya ayaa hore ugu hanjabtay inay isku fureyso wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne. Iyadoo ciidamo ka tirsan AMISOM kana socda dalka Jabuuti ay ku sugan yihiin magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada