Real Madrid Iyo Paris Saint-Germain Oo Isku Balansaday Ciyaar Saaxiibtinimo.

Real Madrid Iyo Paris Saint-Germain Oo Isku Balansaday Ciyaar Saaxiibtinimo.

Real Madrid ayaa xaqiijisay inay wajihi doonaan Paris Saint-Germain bisha July xilliga ay ku jiraan isku diyaarintooda xilli ciyaareedka 2013-14.
Los Blancos oo lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan tababaraha PSG Carlo Ancelotti xagaaga halka si la mid ah kooxda Faransiiska iyadana lala xiriirinayay Jose Mourinho ayaa waxa ay kooxda Ligue 1 ka dhisan kula kulmi doonaan Ullevi Stadium ee magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
Ciyaartaan lagu ciyaari doono garoonkaas oo qaada 46 kun taageerayaal ah ayaa waxaa la ciyaari doonaa 27da bisha July waxaana soo qaban qaabisay shirkada Swedishka ee Sports&Events.
Labada kooxood ee Madrid iyo PSG ayaa haatan ku jira koobka Champions League wareegiisa 8da, iyadoo kooxda Ancelotti ay wajihi doonto kooxda ay xafiiltamaan Los Merengues ee Barcelona.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada