7 Astaamood oo dumarku ay ku jecelyihiin ragga xishoodka badan

7 Astaamood oo dumarku ay ku jecelyihiin ragga xishoodka badan

daajis.com:-Haweenka ayaa si weyn uga hela ragga xishoodka badan , waxa ayna u arkaan in arimo badan ay sahal u noqonayaan , hadaba waxaan soo koobeynaa sababaha ay haweenka u jecel yihiin ragga xishooda , haddii aad nagu racsan tahayna ra`yigaagana dhiibo .

1- Waxa ay haweenka aamisan yihiin in ninka xishoodka badan u yahay nin oofiya balanta , waxa ayna aaminsan yihiin in uu yahay mid daacad ah ,aan jecleyn beenta isla markaana aan aqoon wax qar qariska .

2- Waxa ay sidoo kale aaminsan yihiin in ay dareemayaan xasilooni waayo ma dareemayaan in lagula tartamayo , wax ay aaminsan yihiin haddii nin fur furan sheeko badan nolosha la wadagaan in taasi ay ku qasbeyso in aysan dareemin
xasilooni waayo haween kale ayuu la sheeko qaadayaa .

3- Sidoo kale haweenka ayaa aaminsan in ninku uu si weyn u daryeelayo , tani macnaheedu ma ahan in nin waliba oo furfuran ama sheeko badan uusan daryeeleyn lamaantiisa, balse ragga xishooda ayaa kaga sii wacan ayaa la leeyhay , xitaa isticmaalka erayada macaan ee jilicsan raga fur furan waxaa kaga wanagasan kuwo xishoodka badan .

4-Maba aamisana haweenka in ninka xishoodka badan uu ku sameynayo khiyaano naageed oo haween kale xariir uu lasameynayo , maxaa yeelay wax ay aaminsan tahay in haweeney kale u soo dhawaaneyn, maadaama uu xishood badan yahay.

5- Sidoo kale waxa ay aamisan yihiin in kaligiis uusan go`aan qaadaneyn , isla markaana jiri doonin wax uu ka qariyo .

6- Ninka xishoodka badan inta badan waa nin leh caadifat waxa ayna haweenka aamisan yihiin in uu awood u leeyahayin uu ka dhigeysto dhibaatooyinka haysta , isla markana sisahal ah ku dareema marka lamaantiisa ay wax dhibsaneyso .

7- Sidoo kale in sisahal ah ay ku farxad gilin karto ayay aamisan tahay haweeneyda , iyadoo adeegsaneysa erayo jilicsan , balse ninka fur furan xariifka ah waxa ay aamisan tahay in ay adag tahay oo shaqo badan ay u baahan tahay raali gilintiisa
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada