Lionel Messi Oo La Rajeenaayo Inuu Dib Ugu Soo Laabto Kulanka Paris Saint Germain.

Lionel Messi Oo La Rajeenaayo Inuu Dib Ugu Soo Laabto Kulanka Paris Saint Germain.

daajis.com:-Gooldhaliyaha Kooxda Barcelona  Lionel Messi oo  laga saaray ciyaartii u dhaxeysay Paris Saint Germain iyo Barcelona ee kusoo idlaaday 2-2-da ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto marka ay Paris Saint Germain soo booqato garoonka Camp Nou ee gobolka Catalan.
Lionel Messi
Lionel Messi ayaa lagu badalay hoolka markii uu dhaawac dhanka muruqa kasoo gaaray qeybtii hore waxaana lagu badalay Cesc Fabregas waxaana xidigaan la xaqiijiyay inuu seegi doono kulanka ay kooxda Barcelona sabtida ciyaari doonto Reak Mallora  ee ka tirsan Horyaalka La Liga Spain. 

 Lionel Messi ayaa bogiisa facebook-ga ku qoray: “Waan soo laaban doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan”
 Kooxda barcelona aya warkaan shaacisay waxeyna sheegeen iney filayaan in Lionel Messi uu garoomada kusoo laaban doono garoomada isbuucaan soo aadan marka ay paris soo booqato Camp Nou.

“Haatan wuu fiican yahay, waxaana fileynaa inuu taam u noqdo kulanka Paris ee isbuuca soo aadan” ayey Barcelona ku shaacisay web-ka ay sida tooska ah u leedahay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada