Nimca Dareen "Raali Gelin Ayaa Ka Bixinayaa Heesta Booli"

Nimca Dareen "Raali Gelin Ayaa Ka Bixinayaa Heesta Booli"

daajis.com:-Fannaanada Soomaaliyeed ee taageerada badan leh Nimco Dareen ayaa markii ugu horeysay cudur daar ka bixisay sheegashada Heesta Booli ee horay u qaatay Fannaanada kale ee Marwo Cabdi.


Nimco Dareen oo barnaamijka Salaamaha Universal oo marti ku aheyd ayaa waxay sheegtay in ay aad ugu xun tahay arintaasi isla markaana qaladka aysan iyada iska laheyn, waxayna sheegtay in qaladku uu leeyahay ninka heesta u keenay oo sheegtay lahaanshaheeda.

"Anigu ma ogeyn in fannaanad hore laheyd, wiil baa ii dhiibay, oo igu yiri heestaan anaa sameeyay, laxankeeda iyo erayadeeda waa kuwaan, ka bacdi ayaan ogaaday, waana ka raali gelinayaa Fannaanada iga weyn" ayey tiri Nimco Dareen.



Waxay intaa raacisay in markey qaatay kadib heesta Booli oo ay ogaatay in ay leedahay Fannaanad weyn ay aad ugu faraxday, taageerayaasheedana ay ka raali gelineyso qaladkaasi ka yimid qofka u keenay miraha iyo laxanka heesta.

Nimco Dareen ayaa sidoo kale sheegtay inta badan in qaladaadka ay ka yimaadaan dadka hal abuurada oo sheegta miro aysan laheyn.

Heesta Booli ayaa horay waxaa ugu luuqeysay Marwo Cabdi, waxaa Laxanka saaray Abwaan Xasan Ganey, halka Muusikada uu saaray Axmad gaceyte, halka Nimco Dareen ay horay u sheegtay in erayada iyo laxanka Mustafa Kiiko sameeyay, balse ka shaafisay Fannaanada iyo taageerayasheeda.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada