Daawo Sawirada Soomaali silac iyo Saxariir ugu Dhax geeriyootay Xabsi ku yaala Liibiya iyo kuwa kale oo xaalkooda alow sahal tahay

Daawo Sawirada Soomaali silac iyo Saxariir ugu Dhax geeriyootay Xabsi ku yaala Liibiya iyo kuwa kale oo xaalkooda alow sahal tahay

daajis.com:-Xabsi kuyaala Magaalada Tribuli ee Caasimada Dalka Liibiya ayaa waxaa ku xiran in kabadan 200- Qof oo Soomaali ah kuwaa halkaa ku jira in kabadan hal sano iyada oo eesan jirin wax Maxkamad ah oo ilaa xiligan lasoo taagay.

Xabsiga Duweeshiya oo kuyaala Magaalada Tribuli ee Caasimada Liibiya ayaa Soomaalida ku xiran waxa ee kala kulmaan dhibaatooyin aad u badan waxaana jira Soomaali gudaha xabsigaasi ugu geeriyooday silica iyo xanuuno lasoo darsay kuwaa oo waayay wax daryeel caafimaad ah.

Maalintii shalay Gudaha Xabsigaasi waxaa ku geeriyooday Maxmuud Cilmi Diiriye oo 41 Sano jir ahaa kaa oo in mudo ah Gudaha Xabsigaasi ku xanuunsanaa mana helin wax daryeel caafimaad ah iyadoona Xanuunkii hayay ugu dambeyn uu Maalintii shalay ugu geeriyooday Gudaha Xabsigaasi sida uu Shabakada daajis.com u sheegay C/Qaadir Siraaji oo kamid ah Soomaalida ku xiran Xabsigaasi.

Siraaji ayaa intaa ku daray in dhibaatooyin badan ee ku heesato gudaha Xabsiga tirada hada ku xiran Xabsigana ee gaarayaan ilaa 200-oo qof oo Soomaali ah oo halkaasi ku xiran in kabadan Hal Sano iyada aysan jirin wax maxkamad ah oo lasoo saaray Maxaabiistaasi Soomaaliyeed.

‘’Walal xabsiga aan ku jirno waxaa nagu heesta Silic aad u badan waxaana ugu daran Xanuun ma helno Daryeel Caafimaad Marxuunka shalay dhintay in Mudo ah uu xanuunsanaa wax daaweyn ahna ma helin Shalay ayuuna dhintay , Dadka xabsigan ku xiran waxaa kamid ah Dad xanuuno darteed Xabsiga ku indho belay oon hada waxbo arkeyn xaaladoodana ee aad u liidato , xabsiga waxaa kaloo ku jira kuwa kale oo badan oo aad u xanuunsanaa kuwaa xabsiga iskaga xiran iyaga oon heesan Daryeel caafimaad ‘’ ayuu Yiri C/Qaadir Siraaji oo aad u Murugeesnaa xiliga uu nala hadlayay.

Maxaabiista ku jira Xabsigan kuyaala Dalka Liibiya ayaa markii hore tiradooda aheed ilaa 400-qof hasa ahaatee 200-oo kamid ah ayaa lagu sii daayay lacago laaluush ah oo gaaraya qofkiiba Kun Dollar , mana jirto wax ee Dowlada Soomaaliya iyo Safaarada Soomaaliya ee kutaala Liibiya ee ka qabatay dhibka Soomaali badan ku heesata Xabsiyada Dalka Liibiya.

Soomaalidan ku silicsan Xabsiyada kuyaala Dalka Liibiya ayaa Dowlada Soomaaliya ka codsadeen in Noloshooda kasoo gaarto eena kasii deeso Xabsiyada Dalkaasi ee iska xiran yihiin mudo sanado ah iyaga oon wax maxkamad ah la saarin eena jiraan kuwa badan oo Xabsiyada Dalkaasi xanuuno iyo silac ugu geeriyooday iyo kuwa iminka xaalkooda alow sahal tahay quraan saarna lagu wado.


Hadaba Cidii Dooneysa in ee la Xariiro Soomaalidan ku dhibaateesan Xabsiga Duweshiya ee Dalka Liibiya waxa ee kala Xariiri karaan .

+218926026165 Ama +218927517954 



Xiggasho.allbanaadir_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada