Abuu Mansuur Al-Imriki oo sheegay in uu dhaawacmay kana bad baaday Shirqool lagu khaarijin lahaa.

Abuu Mansuur Al-Imriki oo sheegay in uu dhaawacmay kana bad baaday Shirqool lagu khaarijin lahaa.

daajis.com:-Cumar Xamaami oo loo yaqaanno Abu Mansuur Al-Amriki una dhashay Mareykanka in badanna ugu sugnaa Soomaaliya hurinta dagaalada dowlada Soomaaliya looga soo hor jeedo ayaa waxa uu soo diray fariin uu ku sheegayo in uu ka bad baaday shirqool lagu khaarijin laha dhaawacyana soo gaareen.


Fariintaan uu ku sheegayo in uu dhawacmay hasa yeeshe uusan dhiman ayuu soo dhigay barta uu sida weyn u adeegsado ee Twitter.

Sawirada uu Twetter,kiisa soo galiyay Abu Mansuur oo u dhashay dalka Maraykanka waxaa ka muuqanaya dhaawacyo kasoo gaaray dhanka qoorta hase ahaatee waxaa uu sheegay inuu noolyahay oo uu waliba caafimaad qabo. 

Abuu Mansuur ayaa qoraalka uu ku qoray boggiisa Twetter-ka ku yiri, “Waxay doonayeen inay i dilaan Alle mahadiis dhagar qabayaal ayay ahaayeen waana ka bad baaday” .

Xamaami oo ku caan baxay hadalada ad adag ee Shabaabka ka dhanka ah ee uu dunida u gudbinayo ayaa Kooxdu waxa ay mar sii horeysay Sheegtay in ay shaqadii ka eryeen oo uusan afkooda ku hadli Karin isaga oo dhowr mar isna soo ban-dhigay cabsi uu ka qabo in ay khaarijiyaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada