Xaafado badan oo laga barakacay kadib markii ee biyo badan soo Galeen Magaalada Jowhar (Daawo Sawirada)

Xaafado badan oo laga barakacay kadib markii ee biyo badan soo Galeen Magaalada Jowhar (Daawo Sawirada)

daajis.com:-Boqolaal qoys ayaa guryahooda ka barakacay ka dib markii saameyn ay ku yeesheen roobab isbiirsaday oo maalmihii la soo dhaafay ka da,ay magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhaxe..

Roobakan oo si isdaba joog ah kaga da,ayay maalmihii la soo dhaafay magaalada Jowhar iyo Deegaanada ku dhaw dhaw ayaa waxaa ay saameyn ku yeesheen qoysaska degan xaafadaha dhulkooda uu hooseeyo ee ka tirsan jowhar

Xaafada Hantiwadaag laanta sadexaad badacas waxaa guryahooda ka barakacay in kabadan kun qoys oo biyaha ka dhashay dhibicda roobka ay dhex buuxaan waxaana jira qoysas kale oo intaa kabadan oo ku dhex nool biyaha guryahooda dhex yaala sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha xaafada Hantiwadaag ee degmada Jowhar Xusen C/llaahi Cumar Jicib.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan sidii ay umaareyn lahaayeen biyaha ka dhashay roobabka arinkaasna uu kala hadlay gudoomiya degmada jowhar ee dowlada federaalka somaliya.

Ma ahan xaafada Hantiwadaag oo kaliya xaafadaha looga barakacay biyaha roobka waxaa jira in xafadaha kulmis,Horseed iyo Buulashiikh iyana qoysas ay kabarakaceen guryahooda waxaana laga cabsi qabaa hadii roobka da,aya uu sidan ku sii socda daadadka ay ku soo laabtan xaafadaha kale ee magaalada

Marka lagaaro xiliyada roobabka ay curtaan deegaanada iyo degmooyinka G/Sh/Dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar waxa ay saameyn ku yeeshaan nolosha kumanaan qoys kuwaas oo guryahooda ka barakaca mararka qaarka waxaa ka dhasha cudurada malariyada iyo shuban biyoodka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com







Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada