Sheeko Xiiso Leh: Haweenku Gobsanaa::Hiirta Waabari Ee Habeenka u Dhow, Dhulka Oo Madow iyo Dadka Oo Wada Hurdaayey Hurdada Ka Kacdaa.

Sheeko Xiiso Leh: Haweenku Gobsanaa::Hiirta Waabari Ee Habeenka u Dhow, Dhulka Oo Madow iyo Dadka Oo Wada Hurdaayey Hurdada Ka Kacdaa.

daajis.com:-Ka kallahdaa gurigeeda marka sheekhu daakiro oo ay u baxdaa dibadda iyo suuqa.Iyadu waa ganacsato; ganacsato faras magaalahaku iibisa khudrad. Marka ay gaadho goobteeda ayey bilawdaa goglidda iyohabaynta booskeeda.

Waxa ay hoos fadhiistaa hoy ka kooban afar qotin oo qotomaiyo afar kale oo ku gudban dushooda oo la saaray maryaha la isku alooliyey eeay cadceeddu ka awood badato. Intaas waxa dheer bacda iyo jawaannada ay ciiddauga gogosho khudradda ay iibiso. Inta aanay aroortii bilaabin hawlmaalmeedkeeda kakan, ayey rushayn ku bilowdaa qolqolka hooskeeda ah oo kahalwisaa boodhka iyo basaaskaba sidaas na ku bilowdaa shaqada aroor kasta oo kamid ah nolosheeda oo ka soo bilaabantayberi hore.

Ma hubto wax laga iibsan doono iyo wax ay iibin doonto, waxay se Ilaahayka baridaa ka midho dhalinta ganacsigeedan, iyada oo ku niyadsanna waa ay ka heshaa biilka reerka aqbaalaaddabaryada Alle ka dib. Reerka ay u shaqaysaa waa toddoba ay dhashay, mid ayla dhalatay, iyada iyo odaygeeda iyo intii kale ee martida mararka qaar.

Taasiwaa go’aan iyada ka go’an in ay shaqayso inta ay karayso ee ay shaqayn kartoba.Waxa kale oo ka go’an in ay u dhabar adaygto dhib kasta oo kaga timaad shaqadaiyo shaqaalaha ay wada shaqeeyaan.

Kallahaadda dhaxanta badan waxa kaga daran baqashada aytuug ka baqayso. Haddidaadda cashuur qaadahana waxa kaga daran hanjabaaddaxamaalka ee haysata aroor iyo galab kasta. Waxaas oo idili waxay noqonayaansalleello haddii ba ay ka nabad hesho caga-juglaynta iyo marar camaa-jurrayntaragga waalan ee suuqa wareega u gaystaan. Cadceedda, boodhka iyo basaaskahaysta ayey ku faraxsantahay mar haddii ay keenayso quutal daruuriga xaafaddaiyo qayilaadda odayga!

Haa, odaygeeda iyada ayaa bariiskiisa iyo ka caruurtiisa bixisa oobaystayn isagu kuma darsado. Daaye isagana qaadkiisa u qaadda maalin kasta, siuun! Maalinta ay keeni kari waydona waxa guriga laga dareemaa qaxar iyo qayloiyo qawadaad iyo qalalaase oogma.

Iyada oo aan ku faraxsanaynna meel uun ugasoo qaadda amaah ahaan si uu u helo mijinta! Maxaa yeelay?
Waxay dareemaysaain ay ceeb ku tahay odaygeedii oo ka hadhay raggii galabta qayilka iskugu sooqamaamay.

Taas culayska ku ah ayaa iyada ceeb ula muuqata isaguna ceeb uguarkaa iyada! Waa kala maan saw maaha? Haweenku gobsanaa! Tani waxay ka tahay hal, inta hawl iyo hagardaamo uu ku hayo ninkeedu,se wax kasta oo culays ah waxa ay ugu samirtaa asturaadda ceebaha gurigeedadhexdiisa, si aan cidi u ogaan,
si aan loogu ceebayn ama si aan loogu canaananmidkood na, sababtaas ayey u aqbashay culays kasta oo uu ku hayo odaygeedu.

Culayskauu la dul qotomaa waa mid soo taagnaa ilaa maalintii ay aqal galeen haystaynailaa maanta oo ay toddoba caruur ah isku dhaleen.
Waxa la ogaa dharaarihii uhorreeyay aqal galkooda in uu fadqalada iyo arrin xumada ku kawsaday, sidookale waxa la ogyahay in isagu waligiiba ma shaqayste ahaa calafkuna cagaha uga xidhay cadraddan.Dabadeed iyaduna go’aan ku gaadhay in ay sheesho wax kasta oo ceebaal ahoo uu leeyahay saygeedan sillani.

Sidaasna ay ku waajahday nolosha adag eewaddada adag ee horteeda soo adag. Isaga hal habeen oo kali ah garaadkiisumalaha ma shaqayn ayaa la is yidhaa!?. Dadka yaqaanay intii aanu gabadhanguursan, maanta marka ay arkaan waxay garan waayaan in uu isagii yahay iyo inkale. Jimidhka baaxaddiisa iyo caddaanka jidhkiisa ayaad maalqabeen is nacaymooddaa! Ma maalqabeennimaaba u dhiman; dhugo caynka ay tahay iyo camalsamaanta ruuxan dumar ah ee xilaha u noqotay! Nasiib badanaa isagu, Oo ayaandaranaa iyadu. Xataa barigii ay yarayd waa loo ducayn jiray e’ halkay ka martayducadii? Jiroo la yidhaa; inta wanaagsan baa la solaa si loo sii saafi yeelosaxnimadooda.

Waxay ay guriga ku soo hoyataa goorta ay cadceeddu hoggeeda ku hoyato.Isla jeerkaasna bilowdaa diyaarinta cashada reerka iyo nidaaminta ubadka! Waxaysidaasna ku dareentaa farxad aan la qiyaasi karin iyo fantasiyo ballaadhan ooyaab leh. Marka aad aragto jawigeedana is odhan maysid waa gabadhii maanta ooidil cadceedda fadhiday ee duufaannada tabaysha ahi indhaha u yaryareeyeen.

Ilaahay hortii maskaxda intaas oo culays ah haysa, intaas oo cadaadis ahinasaaran yahay ee haddana faraxsani waa ammuur; ammuur culus iyo cilmi Alle. Waacidda aan la garayn cid u maqan oo mar uun ka furan hawsha, waa cid ciddaydhashaa cid ugu dhowday malaha!? Ilaahaybaa se cid walba cid ugu filan.Intaas oo dhan oo dhakadeeda saaran haddana iyadu waa qof mar walba deggan oodabacsan, waa qof mar walba faraxsan!! Waa mararka aad si dhab ah u garwaaqsatohelidda farxaddu iyo deganaantu in ay deeq Alle tahay oo aan duunyo lagu helin!Hubaal iyadu waxay ka farxad badan tahay kuwo lacag badan oo tiro badan oo aanka fogayn.

Ma garan karo wax lagu sifeeyo iyada iyo dhiggeeda la waayaha ah, waxaybuuxiyeen meel laga waayey ciddii ay ahayd in ay buuxiso, waxay ay qabteenhawshoodii iyo tu kale oo waliba aanay ku nabad helin hadh iyo habeen! Waxaymuujiyeen geesinnimo, gobnimo iyo hal-adaygnimo. Waxa se yar inta dareensandaloolka wan ee ay buuxiyeen! Waxa ayaan daran ka la biiliyo, ubadkiisa loobiiliyo, islaantiisu u biiliso ee waliba qayilsiiso ee waliba nafteedana u hurtagoorta uu hungureeyo.

Waa kaas ka ay tahay in la canaanto had iyo goor. Waxa uulumiyey sunnihii nolosha iyo sooyaalkii dhaqanka. Dammane iyo damiir laawe waaisaga, dugsi iyo darxumo tirtona waa iyada! Geesiyaddu waa iyada, guntu waaisaga, gobtuna waa iyada! Haweenku gobsanaa, gaarisanaa oo geesisanaa. Ina ragtolow intaas ma laga wada heli karaa ama intaas in ku dhowdhowba?
Waxaa Xaquuqda Qoraalkaan iska leh.
Saddaam Xuseen carab
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com


Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada