Darooga laga helay bus uu ku dalxiisayey Justin Bieber

Darooga laga helay bus uu ku dalxiisayey Justin Bieber

daajis.com:-Boliiska magaalada Stockholm ayaa shalay daroogo ka helay buska uu ku dalxiisayey fanaanka Justin Bieber maalmahan meelo kale duwan oo Europe ka mid ah bandhig faneed ka waday.

Mid ka mid ah Booliska ayaa maalintii arbacada dareemay urka qaaca ka imaanaya gaarigan oo baarkin ahaan u yaalay banaanka Grand Hotel, markii uu baarid ku sameeyeyna waxaa laga helay xoogaa cadadka darooga ah sida ay warbaahintu ku soo tebiyeen. Xilliga baaritaanku uu socday waa ay wada joogeen dhamaan kooxda,lama sheegin dad loo xeray arintaasi.

Justin Bieber oo ah xiddig sanadahaanba maskaxda ka heysta taageerayaal aad u fara badan oo la sheegay in badankood ay dhalinyaro gabdho u badan yihiin ayaa bilihii ugu dambeysay lagu soo waramayaa in dhibaatadiisu aad u badan tahay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada