Madaxweynaha Chechen oo la feertamay mid kamida waziirada dowladiisa+Video.

Madaxweynaha Chechen oo la feertamay mid kamida waziirada dowladiisa+Video.

daajis.com:-Madaxweynaha ka taliya dalka Chechen ee Ramzan Kaydrov ayaa ugu yeeray mid kamida waziirada dowladiisa inuu isku diyaariyo feertan, si uu ugu ciqaabo qaladaad uu galay, waxaana sawirada labadaan masuul oo feertamaya lagu faafiyay bogga Internetka.

Kaydrov ayaa qirtay inuu la feertamay waziirka Sport-ga iyo tarbiyada, isagoo sababta ku sheegay in waziirku dayac tiri waayay dhismo raacsan wazaaradiisa. dhowr jeer ayaan u sheegay inuu dayac tiro dhismahaas laakiin waa ku gacan seyray sidaas darteed ayaan uga dalbaday inuu ila feertamo si qaladkiisa aan u tuso ayuu yiri Ramzan.

Telefeshinka Rushka ayaa laga daawaday muuqaal muujinaya madaxweynaha Kaydrov iyo waziirk Salam Ismailov  oo gashan qalabka feerka si weji ka weji ahna u feertamaya.

Feerka labada masuul ayaa ka koobnaa labo wareeg sida uu sheegay garsoorihii dhax dhaxaadinayay. madaxweyne Kaydrov ayaa sheegay inuu u ogolaaday waziirka inuu gashado madaxa qalab ka difaaca feerka maxaa yeelay maalinta xigta inuu shaqada aado ayaa looga baahnaa, waxaana la arkayay waziirka oo dhoola cadeynaya marki ciyaartu dhamaatay.



Madaxweyne Ramzan Kaydrov ayaa yiri in masuuliyiinta sidaan loo ciqaabo wey fiicantahay, isagoo tilmaamay in waziir Salam Ismailov ay u wanaagsaneed qudhiisa inuu la feertamo, maxaa yeelay waxa uu helay maskax fareesh ah oo uu ku shaqey karo.





_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada