Arsenal Iyo Manchester United Oo Isku Garab Dhacay Xilli Van Persie Uu Guul Ka Beeniyay Kooxdiisa Hore.

Arsenal Iyo Manchester United Oo Isku Garab Dhacay Xilli Van Persie Uu Guul Ka Beeniyay Kooxdiisa Hore.

daajis.com:-Gool rigoore ah oo uu dhaliyay kabtankoodii hore Robin Van Persie ayaa ka beeniyay Arsenal inay guul kaga gaarto Man United Emirates Stadium ka dib markii ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Emirates Stadium.

Sidii la filayay ciyaarta ayaa lagu furay soo dhaweyn shaarfeed loo sameeyay kooxda hanatay horyaalka Premier League iyadoo ciyaartoyda Arsenal ay u safteen una sacabatumeen intii ciyaartoyda Manchester United ay soo galayeen garoonka.


Ciyaartoyda Arsenal Oo Sacab Ku Soo Dhaweynaya Ciyaartoyda Hantay Horyaalka Premier League.

Robin van Persie oo ka mid ahaa ciyaartoydii ku soo bilaabatay ee United ayaana ahaa qofkii ugu danbeeyay ee soo baxa isagoo oorin kala kulmay taageerayaashiisii hore ee Emirates Stadium.

Ciyaarta ayaana ku bilaabatay si aan caadi aheyn, iyadoo daqiiqadii labaad uu Robin Van Persie bartamaha garoonka kubad dheer ku soo dhiibtay Arsenal ayaana ka faa’ideysatay iyadoo Thomas Rosicky uu kubad u dhex bixiyay Theo Walcott kaasoo isna kubada hoos mariyay goolhaye De Gea.


Walcott Oo Kubada Dabamarinaya De Gea, Hogaankana U Dhiibaya Gunners.
Daqiiqadii sagaalaad ayaana Arsenal ay u soo dhawaatay inay hesho goolka labaad iyadoo Santi Cazorla uu kubad gantaal ah shabaqa la beegtay laakiin waxaa dadaalkiisa ka beeniyay goolhaye De Gea.

Rubuc saac markii ay socotay ciyaartana waxaa markeeda fursad heshay Manchester United, iyadoo karoos fiican uu soo qaaday Van Persie uu madaxa la helay Phil Jones, laakiin dadaalkiisii waxa ay keentay inuu goolka hareer mariyo.


Walcott Oo U Dabaaldegaya Goolkiisa.

Daqiiqadii 38aad ayaana Manchester United ay soo martay fursad dahabi ah, Nani oo ka soo galay dhanka bidix ayaa karoos u soo qaaday Van Persie oo boos banaan taagnaa, laakiin kubadii uu madaxa ku dhuftay waxa ay wajiga kaga dhacday goolhaye Wojciech Szczesny oo sidaas ku badbaadiyay.

Manchester United ayaana heshay rigoore daqiiqadii 43aad ee ciyaarta markii Sagna uu dhulka dhigan Van Persie oo ku dhex jira xerada ganaaxa, garsooraha ayaana tilmaamay gool ku laad. RVP ayaa u soo istaagay oo gool u sarifay isagoo doortay inuusan u dabaaldegin goolkii uu ka dhaliyay kooxdiisa hore balse waxa ay ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah.


Robin Van Persie Oo Tuuraya Rigooradii Uu U Saxiixay Man United.
Van Persie ayaana goolkaan uu u ahaa goolkisii 25aad ee xilli ciyaareedkan uu ka dhaliyay Premier League, sidoo kale waa kulankiisii 18aad ee isku xiga ee uu shabaqa ku soo taabto Emirates Stadium, oo xilli ciyaareedkii hore iyo wixii ka horeeyay uu u ahaa garoonkiisa.

Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay barbaro 1-1 ah, ka dib ciyaar xamaasadeysneyd oo ay soo bandhigeen labada kooxood.

Bilowgii qeybta labaad ayaa labada kooxood ay ku bilowdeen si la mid ah qeybtii hore, waxaana ay islamarkiiba isweydaarsadeen fursado, iyadoo Van Persie uu kubad hoose oo fantastik ah u soo karoosay Wayne Rooney kaasoo gaari wayay inuu shabaqa ku riixo.

Labo daqiiqo ka diba, Arsenal ayaa iyadana markeeda heshay fursad iyadoo Rosicky uu kubad halis ah la beegtay goolka taasoo si ciriiri ah ku agmartay goolka uu waardiyaha ka yahay De Gea.


Van Persie Oo Jaale Ku Qaatay Qalad Uu Ku Galay Per Mertesacker.
Labada kooxood ayaana halkooda ka sii waday ciyaartooda ku dhisneyd weerar iyo weerar celiska, iyadoo Arsenal ay ku dooday rigoore daqiiqadii 65aad markii Valencia uu gacanta ku taabtay kubada, laakiin ku celiskii la daawaday ayaa muujiyay inuu gacanta ku taabtay isagoo taagan banaanka xerada goolka, garsooraha ayaana u dhigay Arsenal laad xor ah oo halis aheyd, laakiin Santi Cazorla ayaa qasaariyay oo goolka hareer mariyay.

Iyadoo ciyaarta ay rubuc saac in ku aadan ay dhineyd ayaa Laurent Koscielny  uu kubad halis ah oo u soo dhigay Gervinho uu ku helay xerada goolka dhexdiisa, laakiin darbadii uu la helay halkii ay shabaqa salaami laheyd waxa uu dulmariyay goolka.

Waxaa xusid mudan in ciyaarta dishibiliin ahaan ay liidatay iyadoo garsoore Dowd uu bixiyay sideed jalee, shan ay qaateen ciyaartoyda Man United iyo seddex la siiyay Arsenal.


Sideed Jaale Ayuu Bixiyay Garsooraha Ciyaartaan.

Daqiiqadii 85aad ayayna Arsenal ku dhawaatay inay heshay goolkii ay mar kale hogaanka ku qaban laheyd, Gervinho ayaa kubad u dhigay Cazorla oo taagnaa xerada ganaaxa horteeda, isagoo kubad qurxoon oo qatar ah ku abaaray goolka, laakiin waxaa si fantastik ah uga badbaadiyay goolhaye David De Gea.

Labo Daqiiqo ka dib United iyadana markeeda fursad heshay iyadoo qaaday counter attack fiican, Rooney ayaa kubad dheer u qaaday Giggs kaasoo goolka la galay, laakiin kubadii uu isku toosiyay inuu shabaqa dhex dhigo waxa ay ku sii Ox taasoo banaanka u baxday, waxaana ay aheyd fursad halis ah.

Waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay barbaro 1-1 ah, waxaana natiijadan ay aad ugu xun tahay Arsenal oo dooneysay inay badiso si fursadooda Champions League ay uga dhigaan mid banaanka taala, laakiin waxa ay haatan ka dhigan tahay inay ku jiraan kaalinta 4aad iyagoo hal dhibic ka hooseeya kooxda kaalinta seddexaad ee Chelsea oo kulan u harsan yahay.

Waxaana ay Gunners labo dhibcood ka sareysaa kooxda kaalinta 5aad ee Tottenham kuwaasoo iyagana kulanka u harsan 8da bisha May la ciyaari doona Chelsea.

Man United oo inkastoo ay isniintii hore xaqiijisatay hanashada horyaalkeedii 20aad ayaa hadana aysan dan ugu jirin barbarahan, madaama aysan haatan jabin karin rikoorkii 95ta dhibcood ay Chelsea hore u dhigtay, iyadoo hadii United ay badiso kulamada u haray ay keeni karto kaliya 94 dhibcood.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada