Baaritaan :Caruurta Oo Laga Garaaco Qeyb Gadaal Ee Jirka , Waxa Ay Ku Kacaan Cadowtinimo .

Baaritaan :Caruurta Oo Laga Garaaco Qeyb Gadaal Ee Jirka , Waxa Ay Ku Kacaan Cadowtinimo .

daajis.com:-Baaritaano la sameeyay ayaa muujinaya in shaqsiyaadka marka ay yaraan laga soo garaaci jiray qeybta gadaal ee jirkooda in ay kaga nugul yihiin dhigooda kale in uu ku dhaco xanuunada nafsaaniga ah marka ay weynaadaan.

araasadaan oo ay sameeyeen baarayaal u dhashay dalka Canada ayaa lagu sameeyay dad gaaraya 653 qof si loo qiimeeyo raadadka xanuunada nafsaaniga ah ee ay ku reebeen .

Waxaa cadaatay in dadka laga garaaco qeybta gadaal ee jirkooda(dabada) in ay nugul yihiin qiyaas ahaan 7,2% in uu ku dhaco xanuunada cuqdad nafsiga marka ay weynaadaan .



Waxaana la tilmaamay in caruurta marka ay weynaadaan ay soo xasuustaan garaacistii looga sameyn jiray qeybta gadaal ee jirkooda , iyadoo sidoo kale daraasado horay u tilmaameen in ay u dhaqmaan qaab xaasidnimo ah .

Waxaa xusid mudan in 32-dal oo dunida ah ay mamnuuceen caruurta la ciqaabo jir ahaan balse liiskaan kuma jiraan dalalka Canada iyo Mareykanka .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada