Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka soo muuqday Xarunta Jaamacada Boston (Sawirro)

Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka soo muuqday Xarunta Jaamacada Boston (Sawirro)

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay Jaaliyada Soomaalida ee ku nool magaalada Boston ee massachusetts, iyadoo Madaxweynihii hore lagu arkay Xarunta Madaxweynayaasha Afrika ee Jaamacada Boston.

Sheekh Shariif ayaa bishii September ee sanadkii hor si xor ah u wareejiyay xilkiisa, kadib markii lagaga guuleystay doorashadii Madaxweynenimo ee ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Xarunta Jaamacada Boston ee Madaxweynayaasha Afrika (African Presidential Archives & Research Center) ayaa horay waxaa u tagay Madaxweynayaal Afrikan ah, kuwaasoo cilmi baaris iyo casharo ka bixiyay Jaamacada, iyadoo Sheekh Shariif uu yahay hogaamiyaha xilligan ku sugan jaaamacadaas.

Qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee ku nool Boston ayay Sheekh Shariif ku amaaneen sida uu u aqbalay natiijadii doorashada ee Madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkii 2012 looga guuleystay, waxaana ay ku tilmaameen tallaabo dhinaca dimoqraadiyada uu u qaaday Waa markii u horeysay oo Madaxweyne Shariif lagu arko meel fagaare ah tan iyo markii uu xilka si rasmi ah u wareejiyay, waxaana xilligan uu Jaamacada ka diyaarin doonaa Master, oo ay ugu deeqday jaamacada.





_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada