Cuqdadleey : Weli Ma Is Weydiisay Sababta Ninkaada Marka Uu Qalad Kaa Galo Uusan Kuu Raali Gilineyn?

Cuqdadleey : Weli Ma Is Weydiisay Sababta Ninkaada Marka Uu Qalad Kaa Galo Uusan Kuu Raali Gilineyn?

daajis.com:-Haweeneyda ayaa saameyn nafsaani ah waxaa ku yeesha habka fal celiska ee gacaliyaheeda marka ay dood xooggan ay dhex marto , waxa ayna arkeysaa iyadoo ninkeeda uusan uga cudur daaraneyn ,markaas ayay in ay meel fariisato is caburineysaa isla markaana wel wel galeysaa iyaad oo sugeysa in ninkeeda uu ka raali giliyo waxii dhacay .

Hadaba gabaryaheey ogoow arimahaan waxa ninka ka hor istaagayaan in uu ku cudur daarto ee il gaar ah isaga yeelo.

* Haddii uu ninkaada xiliyo horay oo uu ku cudur daartay adna aadan saamixin waxa uu niyadiisa iska leeyahay isla markaana cudurkaasiisa uu ka soo gaarayo dhaawac maxaa yeelay waxa uu ka baqaya in aad ka diideyso , gaar ahaan isaga oo tix raacaya waxii hore ee dhacay , waxa uuna aaminayaa in aad tahay gabar qalbi madoow mar walibana aad soo xasuusaneyso waxii uu horay uu kugu sameeyay taasina waxa ay keeneysaa in uusan kuu cudur daaran .


* Haddii aad ku qaldan tahay waxa aad sameyeneyso ee doodda keenay waad huradaa ha sugin waligaa in uu ku cudur daarto, waxaana haboon in aad adiga bilaawdo raali gilin iyo cudur daarka.

* Ogoow in ay jiraan qaar ka mid ah ragga oo u arka in ay u cudurdaartaan haweenka in ay tahay dulinimo , waana ragga aaminsan isla weynida xittaa haddii uu qaldan yahay lagama yaabo in uu ku cudurdaarto ayay daajis.com ku leedahay ee waxaa kula gudboon in aad sugin oo adiga sameysid arintaas si xal loo helo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada