Ilaalada Garoonka diyaaradaha Gaal-kacyo oo khaarijiyay sarkaal sare oo ka soo jeeda Gal-Mudug State

Ilaalada Garoonka diyaaradaha Gaal-kacyo oo khaarijiyay sarkaal sare oo ka soo jeeda Gal-Mudug State

daajis.com:-Wararka laga helayo magaalada Gaal-kacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in sarkaal ka tirsan daraawiishta maamulka Gal-mudug ay khaarijiyeen ilaalada Garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in sargaalkaasi oo doonayay in uu garoonka ka dhoofo ay dileen ilaaladu kadib markii uu joogsan waayay gaari uu wataty oo nuuca raaxada ah.

Ciidamada dilay sarkaalkaani ayaa waxa ay yihiin kuwa hoos taga maamulka Puntiland, maadama uu garoonku ku yaalo Gaal-kacyo qeybta ay ka maamusho Puntilad.

Puntiland iyo Gal-mudug ayaa xariirkoodu uusan aheyn mid wanaagsan waayahaanna waxaa jiray afduubyo ay sameynayaan maleeshiyaad laba dhinac ka tirsan, mana jirto ilaa hadda wax hadal ah oo dilka maanta ay ka yiraahdeen labada dhinac.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada