Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Horyaalka Premier League Ee Liverpool v Chelsea.

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Horyaalka Premier League Ee Liverpool v Chelsea.

daajis.com:-


LINE-UPKA MACQUULKA AH:

LIVERPOOL

Reina
Johnson, Carragher, Agger, Enrique 
Lucas, Henderson, Gerrard

Sturridge, Suarez, Coutinho
CHELSEA

CechAzpilicueta, Luiz, Terry, Bertrand
Ramires, Lampard
Mata, Oscar, Hazard
Torres

Kulankaan ayaa muhim uu u yahay labada kooxood, Chelsea oo raadsaneysa booskeeda Champions League iyo Liverpool oo weli rajo ka leh inay u soo baxdo Europa League ama ugu yaraan ay ku dhameystaan iyagoo ka sareeya kooxda ay isku magaalada yihiin ee Everton.
Wajiyo isyaqaana ayaana maanta isku wajihi doona Anfield iyadoo tababarae Rafa Benitez uu ku laabanayo Anfield markii ugu horeysay isagoo macalin ah, halka Fernando Torres uu isna ku laabanayo garoonkiisii hore, laakiin labada nin soo dhaweyn kala duwan ayay ka helin doonaan Anfield, dhanka kalena tababare Brendan Rodgers ayaa ka horimaan doona kooxdiisa hore ee Chelsea halkaasoo uu macalin ka soo ahaa juunyeerkooda.
Kulanka: Liverpool v Chelsea
Garoonka: Anfield 
Garsoore: Kevin Friend
Waqtiga: 6da maqribnimo SGA
Liverpool ayaa waxaa weli ka maqan Fabio Borini, Joe Allen iyo Martin Kelly kuwaasoo garoomada ka maqnaanaya ilaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Dhanka kale Raheem Sterling ayaa wajahaya tijaabo dhanka caafimaadka ah xilli danbe oo maanta ah ka dib markii uu dhaawac ku seegay labadii kulan ee ugu danbeysay ee Liverpool.
Dhanka Chelsea, wax dhaawac cusub oo ay ka walwalaan ma qabaan, waxaana Ashley Cole iyo Gary Cahill ay qarka u saaran yihiin inay ku soo laabtaan kooxda koowaad ka dib markii ay dhaawacyo ku maqnaayeen, waxaana laga yaabaa in tababare Rafa Benitez uu ku soo darsado kooxdiisa.
Oriol Romeu oo jilibka ka dhaawacan ayaana dhaawac muddo dheer kaliya kaga maqan Blues.
MA OGTAHAY?
  • Markii ugu danbeysay ee ay labadaan kooxood ku kulmeen Anfield, Liverpool ayaa ku badisay si la yaqaano oo ah 4-1, ka dib markii ay hogaanka 30kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeysay ku qabteen 3-0.
  • Reds ayaa sidoo kale taariikhda ay dhankooda xigtaa, iyagoo badiyay shan ka mid ah 10kii kulan ee ugu danbeysay, Chelsea ayaa badisay seddex kulan uu ka mid ah halka labada kulan kale ay barbaro ku kala baxeen.
  • Luis Suarez ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira xilli ciyaareedkan isagoo 22 gool ku hogaaminaya gooldhalinta Premier League.
  • Reds ayaa ah kooxda ugu badan ee sameysay isku day goolal qaarada Yurub xilli ciyaareedkan 639 jeer, iyagoo 43 darbo ka sareeya Real Madrid oo kaalinta labaad doorkaas kaga jirta.
  • Inkastoo uu dhaliyay shan gool sannadkan 2013 tartamada oo dhan, Fernando Torres wax gool ah kama uusan dhalin Premier League tan iyo markii uu labo gool ka dhaliyay Sunderland bilowgii bishii December.
  • Muhiimada tartankaan ayaa waxaa kicin kara Torres oo gooldhaliya, si kastaba xiddiga reer Spain ayaa wajahaya koox uu afar sanno la soo qaatay, isagoo u dhaliyay 81 gool 142 kulan uu u soo saftya.
  • Guushii Chelsea ay bartamihii isbuucaan ka gaartay Fulham waxa ay aheyd guushoodii labaad ee marti ah sannadkan 2013 horyaalka Premier League.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada