Madaxweynaha Soomaaliya oo jeediyay hadalo Kulul oo inta badan ay ka gaabsan jireen Madaxdii isaga ka horeesay

Madaxweynaha Soomaaliya oo jeediyay hadalo Kulul oo inta badan ay ka gaabsan jireen Madaxdii isaga ka horeesay

daajis.com:-Xassan Sheekh Maxamuud, madaxawenaha dowlada Federalka Soomaaliya oo ka hadlayay kulanka madaxda dowlada Afrikaanka ah ay ku leeyihiin Ethiopia ayaa waxa uu u hadlay si ay ku jirto Soomaalinimo isaga oo taabtay dhibaatada Soomaalidu qabto gaar ahaan kuwa dowladaha caalamku ku hayaan.

Madaxweynaha ayaa waxa uu yiri, “Badaheenna waxaa lagu shubaa sun, si sharci darra ah ayaa looga kaluumeestaa, Dadka ayaa lagu tahriibiyaa. Hubka ayaa si sharci darra ah loogu tahriibiyaa, Dhibkaas oo dhan waa wax aduunyadu Soomaalida ku dhibaateyneyso waaye in wax laga qabto ayaana loo baahanyahay”.

Khudbada madaxweynaha oo aheyd mid lagu difaacayo masiirka umadda Soomaaliyeed laguna muujinayo in ay xur tahay oo aan lagu soo xad gudbi Karin shuruucina ay kataallo ayaa waxa ay aheyd mid aan looga baran madaxdii dowladihii ka horeeyay oo inta badan marka ay tagaan shirarka dowladuhu isugu imaanayaan ka hadli jiray wax aan dan muuqataahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ee lagu xad gudbayo astaantooda qarannimo.

Si kastba, waxaaa lasugayaa sida caalamku ay uga jawaabaan hadalada kul kulul ee madaxweynaheennu jeediyay iyada oo ay xusid mudantahay in madaxweynaha Soomaaliya dhawaan daraasad la seeyay lagu cadeedyay in uu yahay ruuxa 57-aad ee aduunyada ugu saameynta badan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada