War Deg deg ah: Madaxtooyada oo cabsi badan ay ka jirta iyo ciidamo badan oo la soo dhoobay.

War Deg deg ah: Madaxtooyada oo cabsi badan ay ka jirta iyo ciidamo badan oo la soo dhoobay.

daajis.com:-Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka bilaawday dhaqan aan horay looga aqoon iyada oo amaanka aad loo adkeeyay.

Goob joogayaal ayaa waxa ay xaqiijiyeen in gaadiidkii madaxyooyada geli jiray xanibaad lagu soo rogay maanta iyada oo ilaalada R/wasare Sacid iyo ciidama kale oo lagu kaabay ay xireen wadada gudaha madaxtooyada gasha iyaga oo u diidaya gaadiidka in ay halkaasi ka gubaan.

Dhamaan gaadiidka doonaya in ay madaxtooyada galaan marka laga erebo kuwa ay wataan madaxda sare ayaa waxaa lagu amrayaa in aysan gudaha u gelin.

Qolyaha latix gelinayo ee gaadiidka wata ayaa waxaa lagu amrayaa hadii ay dan ka leeyihiin gudaha madaxtooyada in marka ay ugu soka marto aay gaarigooda dhigtaan agagaarka wasarada Warfaafinta ka dibna ay lug ku galaan gudaha madaxtooyada.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay sheegayaan in uu soo baxay shaki ah in gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay magalada ku jiraan aysan suuragal tahay in ladoonayo in lagu weerao qasriga madaxtooyada sidaa darteed gaadiidka dhan laxanibayo.


Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in wadada loo xiray madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan imaanaya Dalka kadib markii uu ka qeyb galay shirkii madaxda Afrika ay ku yeesheen Itoobiya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada