Shacab 24 saacadood wadnaha farta ku hayay oo hada dabaaldeg balaaran bilaabay,Waa maxay sababta (Daawo Muuqaal ahaan)

Shacab 24 saacadood wadnaha farta ku hayay oo hada dabaaldeg balaaran bilaabay,Waa maxay sababta (Daawo Muuqaal ahaan)

daajis.com:-Shacabka magaalada Boston gaar ahaan deeganada ku xeeran sida magaalada Watertown ayaa ku jira dabaaldeg balaaran ka dib markii Ciidamada FBI-da Mareeykanka ay gacanta ku soo dhigeen Dzhokhar Tsarnaev oo 19-jir ah waliba nafta ku dhibay Shacabka deegaankaas. 



Wiilkaan oo u dhashay dalka Jejniya waxa uu yimid wadanka Mareeykanka sanadkii 2003-dii wuxuuna ka yaabsaday ciidamada FBI-da Mareeykanka ka dib markii uu qal qal galiyay shacabka ku nool deegaanadaas mud 24 saacadood ah oo uu baxsad ahaa isaga oo dhaawac ah waliba aad u hubeeysan .

Dzhokhar Tsarnaev ayaa laga helay isaga oo Dhaawac ah Doon dhex taalay guri deedkiis waxaana ciidamada Booliiska FBI-yada u yeeray nin iska lahaa Gurigaas oo arkay wiilkaan yar oo dhiigbaxaya.

Dzhokhar Tsarnaev iyo Walaalkiis Tamerlan Tsarnaev ayaa lagu helay cadeeymo muujinaya ka dib markii lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen Qaraxyadii lagu qaaday Oradkii ama Marathon-kii maalintii Isniinta eheed ka dhacay magaalada Boston.

Dzhokhar Tsarnaev oo dhaawac ah waliba Rasaasta ka dhamaatay ayaa iminka gacanta lagu dhigay waxaana habeen hore geeriyooday walaalkiis Tamerlan Tsarnaev oo Rasaas ay is weeydaarsadeen Cidaamada FBI-da Mareeykanka oo guri ugu dhacay. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada