Mo Farax oo si carro leh oga jawaabay eedeymo

Mo Farax oo si carro leh oga jawaabay eedeymo

daajis.com:- Mo Faarax oo taagan buundada London, halka ay tahay in uu orodka kaga haro marka la marayo.

Orodyahanka oo u safta dalka Ingiriiska ayaa lagu eedeeyey in uu yahay nin lacag kaliya ay dantiisa tahay, tanina waxay timid kadib markii uu saxiixay kunturaad uu kaga qeybgalo orodka London Marathon ee barito dhacaya, kaas oo uu sheegey in uu ordayo kala bar masaafada ay tahay in la ordo.


Mo Faarax waxa uu sheegey in wax laga xumaado ay tahay in ka qeybgalkiisa orodkani ee kala bar masaafada lagu tilmaamo mid leh ujeedo maaliyadeed, taasi badalkeedana isaga ay u tahay meel uu kusii tabobarto ka hor inta uusan ka qeybgalin orodada Moswcow, Ruushka ee sanadka dambe.

Qaar ka mid ah saxaafadda Ingiriiska ayaa soo qortey in Mo Farax uu helayo lacag gaareysa 750 kun oo Pound, lacagta dalka Ingiriiska.

“Waxaan aad ula sii yaabay jaraa’idka qaar oo xitaa sheegaya in aan is dagaalnay xaaskeyga” ayuu intaasi ku daray
Sanadkii hore ayuu Mo Farax ku guuleystey bilado dahab ah kadib markii Ingiriiska lagu qabtay tartanka olimbikada aduunka.

RIIX     HALKAAN    SI   AAD    U    AKHRISATO 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada