Dooni Muhaajiriin Somali ah oo soo Gaartay Jasiiradda Malta iyo Ciidamada ilaalaha xeebaha Malta oo bad baadiyay Soomaalidaas!!

Dooni Muhaajiriin Somali ah oo soo Gaartay Jasiiradda Malta iyo Ciidamada ilaalaha xeebaha Malta oo bad baadiyay Soomaalidaas!!

daajis.com:-Dooni ay saaranyihiin muhaajiriin Soomaali ah oo kasoo kictimay dhanka Liibiya ayaa Subaxnimadii shalay aheyd soo gaaray xeebaha Jaziirada Malta kadib howl gal badbaadin ah oo aay iska kaashadeen ciidamada ilaalaha xeebaha Malta iyo laba dooni oo nuuca Marines ka oo laga leeyahay wadanka deriska ah ee Italia..

Muhaajiriinta oo dhamaantood Soomaali ah kana kooban 84 qofood ayaa iskuugu jiro 18 Dumar ah,iyo 32 Caruur ah halka tirada inteeda kale eey yahiin dad waaweyn waxaana gabi ahaantood la geeyay xeryaha xiran ee ku yaalo gudaha Jaziiradda Malta 

Waxeyna wararku sheegayaan in xaalad adag eey kala kulmeen safarkoodii badda Mediterraneanka taasina eey ka danbeysay markii gurmadka badbaadada xeebaha talyaaniga iyo Malta eey ugu tageen qiyaastii meel ujirto 88 miles koofurta galbeed ee jaziiradda Malta 

Hadaba qaraarka muhaajiriinta loogu dajiyay jaziirada Malta ayaa ah in biyaha Malta eey tahay goobta muhaajiriinta laga soo qabtay sidaas darteedna eey nasiib uyeelatay Malta ineey magan galiso muhaajirintaasi kasoo anbaday dhanka Libiya..

Sidoo kale wararka laga helayo ciidamada AFM Malta oo ku howlan dajinta muhaajiriinta iyo adeegyada xeryaha la dajiyay qaxootiga ayaa tibaaxaya in xaalada caafimaad ee muhaajiriinta eey wanaagsantahay marka laga reebo haweeney dhawaac kasoo gaaray lugta.

Dhanka kale kadib markii muhaajiriinta eey soo gaareen jaziirada malta lagana sii daayay tv-yada gudaha malta ayaa waxaa durba isasoo taraya dareen isku mid ah eey ka qabaan bulshada Maltese ka ah muhaajiriinta cusub ee yimid Malta iyadoo hadalkani uu ka danbeeyo balan qaad eey dowlada cusub ee Joseph Muscat ku sheegtay ineey kaga hortageyso muhaaajiriinta kasoo talaabaya dhanka Liibiya dibna eey ugu celin doonta goobahii eey kasoo baxeen hadalada ugu muhiimsanaa ee firkirka dadyowga Malta oo ku qoran afka Englishka ayaa lagu daabacay sida hoos ku xusan...

Ugu danbeyntii iyadoo Jaziirada Malta eey kamid tahay wadamada ku teedsan badda Mediterraneanka ayaa waxaa sanad kasta waqtigaan oo kale soo gaaro muhaajiriin aad utira badan oo kasoo gooshaya dhanka Liibiya,si kastaba ha ahaatee lama qiyaasi karo go,aanka eey ka qaadan doonta xukuumada cusub ee Malta oo laga sugaya ineey wax ka badasha arimaha dadka magan galyada ugu yimaado jaziirada Malta.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada