Basketballerkii caanka ahaa Michael Jordan iyo gacalisadiisa Yvette Prietro oo is guursaday

Basketballerkii caanka ahaa Michael Jordan iyo gacalisadiisa Yvette Prietro oo is guursaday

daajis.com:-Basketballerkii hore ee Michael Jordan ee 50 jirka ah ayaa lagu soo waramayaa todobaadkaan inuu guursaday gacalisadiisa Yvette Prietro oo 35 jir ah waxeyna ku heshiiyeen daacadnimo iyo kalsooni.

Igu yaraan 500 oo marti ah ayaa la sheegay iney ka soo qeybgaleen arooska lamaanahaan oo guurkooda maalintii sabtida ka dhacay xeebta Palm Florida sida ay qortay majalada People.

Michael Jordan iyo Yvette ayaa mudo shan sano ka hor xiriirkoodu uu bilowday,waxaana ay go'aanku gaareen qorshaha guurka December sanadkii hore.

Waa markii labaad ee uu ciyaaryahanka qaado talaabo guur,wuxuuna horey Michael todobo sano ka hor u guursaday Juanita Vanoy sanadkii 2006 markii uu guurkoodu qilaaf xoogan uu soo kala dhex galay.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada