Bayern Munich v Barcelona, Dortmund v Real Madrid: Isku Aadka Semi-finalka Champions League Oo La Soo Saaray.

Bayern Munich v Barcelona, Dortmund v Real Madrid: Isku Aadka Semi-finalka Champions League Oo La Soo Saaray.

daajis.com:-Waxaa goor dhow la soo saaray isku aadka semi-finalka Champions League oo ay ka soo baxeen kulamo adag, waxaana isku wajihi doona Bayern Munich oo qaabili doonta Barcelona, halka Borussia Dortmund ay wajihi doonto Real Madrid.

Bayern Munich oo ka soo talaabsatay wareega 8da kooxda Juventus ayaana lugta hore soo dhaweyn doonto Barcelona oo iyadana wareega 8da ku soo reebtay PSG.
Si la mid ah Borussia Dortmund ayaa lugta hore waxa ay Iduna Park ku soo dhaweyn doontaa kooxda sagaalka jeer ku guuleysatay koobkaan ee Real Madrid.
Lugta hore ee semi-finalka Champions League waxaa la ciyaari doonaa 23ka iyo 24ka April halka lugta labaad la ciyaari doono 30ka April iyo 1da bisha May, waxaana finalka Champions League uu 25ka bisha May ka dhici doonaa Wembley Stadium.


Isku Aadka Semi-finalka Champions League:
Bayern Munich v Barcelona
Borussia Dortmund v Real Madrid

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada