Dortmund: Wixii Dhacay Wareega Group-yada Darteed Real Madrid Inoogama Baqi Doonto.

Dortmund: Wixii Dhacay Wareega Group-yada Darteed Real Madrid Inoogama Baqi Doonto.

daajis.com:-Agaasimaha guud ee kooxda Borussia Dortmund Hans-Joachim Watzke ayaan aaminsaneyn in Borussia Dortmund inay faa’ido dhanka maskaxda ah ka heysato Real Madrid.

Kooxda Jarmalka ayaa wajihi doonta kooxda Real Madrid markii labaad xilli ciyaareedkan Champions League ka dib markii ay sidoo kale isku soo arkeen Group D.


Si kastaba, inkastoo Dortmund ay garoonkeeda kaga badisay Madrid wareegii group-yada islamarkaana barbaro ku gashay Santiago Bernabeu, Watzke ayaan arkin wax faa’ido ah oo ay heysato kooxdiisa.

“Uma maleynayo in Madrid ay inaga cabsan doonto sababtoo ah wixii dhacay wareega group-yada.” ayuu agaasimaha guud ee Dortmund u sheegay website-ka Uefa ka dib markii la qabtay isku aadka semi-finalka.



“Waa ay ina ixtiraami doonaan sida aan iyaga u ixtiraami doono.

“Waan ku faraxsanahay isku aadkaan, taas micnaheedana ma ahan inaan ku fekereyno inuu inoo sahlan yahay, laakiin Champions League ayaa ah tartan heer caalami, waxaana dooneynay kulan heer caalami halkii aan isku soo aadi laheyn Bayern Munich.”

Real Madrid ayaa lugta hore ee semi-finalka booqan doonta Borussia Dortmund.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada