Chris Brown aabihiis oo aaminsan in wiilkiisa iyo Rihanna isku waari doonin

Chris Brown aabihiis oo aaminsan in wiilkiisa iyo Rihanna isku waari doonin

daajis.com:-Chris Brown aabihiis oo aaminsan in Rihanna iyo wiilkiisa xiriirkoodu meel fog ma gaari doonin. 

Aabaha dhalay Chris Brow ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Rihanna iyo wiilkiisa xiriirkooda uusan meel fg gaari doonin, wuxuuna sheegay inuu rajeynaayo in wiilkiisa iyo Rihanna ay maalin uun ogaan doonaan inaan labadoodu leysugu talogelin iney nolol wadaagan.

Clinton Brown oo ah 48 jir ayaa wareysi gaar ah ee uu siiyey daily news sheegay inuusan dooneyn in uu dib usoo laabto xiriirkii ka dhexeeyey wiilkiisa iyo Rihana, wuxuu yiri iskuma fiicna labadooda xiriirka nuucan oo kalana badanaa wuxuu ku dhamaada meel xun.  isagoo sheegay inuu aad u naxay markuu ogaaday in Chris iyo Rihanna ay isku dayayaan iney dib usoo nooleeyaan xiriirkooda,wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay labadaan lamaane ay isku mid yihiin, asagoo saadaaliyey in xiriirkoodu aanu mudo fog sii jiri doonin.

Clinton Brown ayaa aaminsan Inta uu wiilkiisa xiriir la yeelan karo gabar kale inuu aad u taageeraayo,isagoo si gaara u tilmaamay inuu aad ula jecel yahay wiilkiisa Jordin Sparks oo uu ku tilmaamay iney tahay haweeney la yaab leh.
Dad badan ayaa mucaarada iney Rihanna iyo Chris Brown dib u midoobaan wuxuuna dhawaan wareysi uu siiyey radio ku sheegay Chris inuu aad uga xun yahay dhibaatadii uu u geystay gacalisadiisa isagoo uga mahadceliyey sida ay cafiska ugu fidisay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada