Ciidamada AMISOM oo kala dhex galay Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku dagaalamay degmada Balcad

Ciidamada AMISOM oo kala dhex galay Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku dagaalamay degmada Balcad

daajis.com:-Ciidamada AMISOM ayaa ku guuleystay inay kala dhex galaan ciidamo ka tirsan dowladda oo maanta barqadii ku dagaalamay degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo xaalada degmada ay tahay mid degan.

Wararka aan caawa ka heleyno degmada ayaa sheegaya in labada dhinac ee dagaalamay la kala qaaday, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan Ciidamada AMISOM oo ka yimid dhanka magaalada Jowhar.


Inta la og yahay saddex ruux ayaa ku dhimatay, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.

Ciidamo taabacsan Gudoomiyaha degmada Balcad iyo Ciidamo Milateri oo ku sugan degmada ayaa la sheegay inuu iska hor imaadka dhex maray, waxaana uu ka dambeeyay markii labada dhinac xurguf soo kala dhex galay.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray degmada Balcad, si ay xaalada u qaboojiyaan, waxaana markii laga war helay Iska hor imaadka ka socday magaalada Muqdisho xiriiro Mudanayaasha baarlamaanka ee u dhashay degmada Balcad ay la sameynayeen dhinacyada dagaalamay inay joojiyaan dagaalka.

Goobaha ganacsiga degmada Balcad ayaa ahaa mid gebi ahaanba xirnaa, waxaana dagaalka uu ahaa mid saameyn xoogan uu ku yeeshay.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe iyo wasaarada arrimaha gudaha oo ku aadan iska hor imaadka ka dhacay degmada Balcad.

Iska hor imaadkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu jiro khilaaf iyo wada shaqeyn la’aan ka dhaxeysa Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow iyo Gudoomiyaha degmada Balcad Cusmaan Xaadoole oo xurguftooda ay muddo soo jiitameysay.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada