waqtigu isbedel dhawaaa ( aqriso qisadaan kuna cibra qaado )

waqtigu isbedel dhawaaa ( aqriso qisadaan kuna cibra qaado )

daajis.com:-Naag ayaa waxaa qabay nin taajir ah oo bakhiil ah maalin maalmaha ka mid ah waqtigii qadada ayaa waxaa albaabka usoo garaay maskiin waxaa ka furtay xaaskii maskiinkii ayaa ku yiri ” afar maalin waxba ma cunin baahi ayaan dareemayaa ” ninkeedii ay kusoo laabatay waxayna ku dhahday maskiinka aan qeyb doorada ka mid ah aan siino .

Waxa uu ugu jawaabay ” maya wlhi wax yar xitaa ma siinayo ” albaabkii ayuuna ka xirtay ninkii maskiinka ahaa mudo ka dib ayaa ninkii taajirka ahaa waxaa lasoo gudboonaaday qasaaro weyn xaaskiisa oo daji is leh ayaa ku tiri ” waa qadarta eebe ee iska samir ” Intuu aad u carooday ayuu naagtii furay .

Naagtii nin kale ayaa guursaday mudo kadib xili ay qadeynayaan ayaa hadane maskiin albaabka soo garaacay waxaan ka furtay ninkeedii ayaa ku yiri waa qofma waxa ay tiri waa nin tuugsanaya waxa uu ku dhahay hal dooro sii markii ay dooradii siisay ayey soo noqotay ayadoo oyneysa ninkeedii ayaa weydiiyey sababta ay la ilmeyneyso waxay u sheegtay in ninka tuugsanayo uu yahay ninkeedii hore waxayna uga sheekeysay sheekadii maskiinkii hore .

ninkeedii ayaa ku yiri hadaba ma taqaan aniga qoftan ahay ? Waxay ku celisay qofma ? Waxaa u raaciyey waxaan ahay maskiinkii uu ninkaagii hore albaabka wejiga uga dhuftay .

Haddaba walaal waxba ha is raacin hanti eebe ku siiyey ama awood kale oo aad leedahay waayo xili walbo ayey kaa wareegi kartaaa .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada