Xaflad aad u Balaaran oo looga soo Horjeedo Maamulka Jubaland oo la qabtay (Daawo Sawirada)

Xaflad aad u Balaaran oo looga soo Horjeedo Maamulka Jubaland oo la qabtay (Daawo Sawirada)

daajis.com:-Boqolaal dadweyne ayaa isugu tagay hool ku yaala degaanka ay Soomaalida u badan tahay ee Bellville magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa iyadoo xafladasi ay si weyn usoo buux dhaafiyeen shacabka Soomaliyeed ee ku dhaqan wadankani . 

Xafladan Waxaa taageero loogu fidinayay dowladda Soomaaliya, laakiin lama mid ahan xafladihii hore ee dowladda lagu taageeri jirey, tani waxa ay ku saabsantahay taageero kal iyo laab ah oo dowladda lagu kalsooni galinayo. 

Qabanqaabiyeyaasha iyo kasoo qeybgalayaasha waxa ay doonayaan in dowladda ay maamulkeed gaarsiiso gobolada dalka, dalkana si buuxa gacanta ugu dhigto. iyadoo xafladani sidoo kale loogu soo horjeeday maamulka lagu dhisayo Kismaayo kuwasi oo beelaha qaarkood ay si weyn u dhaliil san yihiin isla markana aan sadkooda la siinin.


Xafladani ayaa waxa si wada jir ah usoo qaban qaabiyey beelaha degan gobolada jubooyinka kuwaasi oo kala ahaa Beesha Shiiqaal, Beesha Biyamaal, Beesha Sade, Beesha Raxanweyn, Beesha Jareerweyne iyo weliba Beesha warday iyo Gaaljecel iyagoo si isku mid ah u canbaareeyey maamul u samaynta gobolada Jubooyinka isla markaana dowlada soomaaliya ka codsaday in ay soo fara geliso wax walba oo maamul u samayn ah.

Dadkii ka hadlay oo uu ka midyahay nabadoon Cabdi Cali ayaa waxa ay carabka ku adkeeyeen in dowladda ay faro galin ku samayso shirka ka socda Kismaayo, iyagoo ku baaqay in dowladda looga dambeeyo wixii maamul ah ee dalka laga samaynayo. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com

















Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada