Eraygaan Maalintii 10 Jeer Hadaad Gacalisadaada Ku Tiraahdo, Magacaaga Bay Ku Waalanaysaa

Eraygaan Maalintii 10 Jeer Hadaad Gacalisadaada Ku Tiraahdo, Magacaaga Bay Ku Waalanaysaa

daajis.com:-Maxaa la isu weydiiyaa farqiga u dhexeeya lab iyo dhedig hadii loo soo jeedo inaysan isku mid ka ahayn dhinaca jir ahaan? Hadaba waxaa jira farqi weyn oo u dheexeeya raga iyo dumarka kasoo dhinacyo badan leh, sida jaceylka. Raga iyo dumarka aad ugu kala duwanyihiin dhanka jaceylka siyaabo kala duwan ayuuna usaameeyaa.

Haweeneeyda: Way u sahlan tahay inay dareenkeeda ku muujiso hadal iyo ficil labadaba, waxaana la dhahaa dumarku waa maqashiis, oo waxa ay maqasho ayaa saameyn weyn ku yeesha, hadaba u oomanaanta jacaylka waa arin ka timaada dhinaca sareynta dareenka caadifadeed ee dumarka, ee ma ahan wax mushkilad ah, hadaba waxay jeceshahay in sida ayu sheegayso jacaylka iyana loogu sheego hadii la jecel yahay, hadii kale waxay u qaadan inaan la jeclayn.
Ninka: Waxaa ku adag inuu hadal ku sheego marar badan dareenka uu qabo, hadii uu ku barbaaray nolol adagna waa ka sii daran tahay, wuxuu ku muujiyaa dareenkiisa ficil, inuu wax u gado, wanaajiyo guud ahaan, laakiin hadal ahaan uma sheego, wuxuuna u arkaa inay tahay jileec aan loo baahnayn Hadaba arintaan waxay keeni karaan khilaaf joogta taasoo ay horay daraasado uga sameeyeen khubarada daajis.com, marka waxaa muhiim ah in seyga iyo afadu ay aad u bartaan farqiga u dhexeeya.

QISO XIGMAD WADATA: waxaa dhacday nin ganacsade ah 10 sano xaas ah, ayaa wuxuu u yimid xaaskiisa oo telefoon ku hadlaysa oo ku celcelinaysa “ Xabiibii” iyada oo aan isogayn, markaas ayuu xanaaqey, waxaa uu ballan lalaa khabiir ku takhasusay arimaha qoyska Dr Jaasim Almutawa, markii uu Digtoorkii yimid, ayuu wuxuu ku soo beegmay reerkii oo khalkhalsan, iyo ninkii oo ku hanjabaya “waa inaan furaa, waa iiga dhamaatay” markaas ayuu Digtoorkii ku yiri “ma anigaad nagu beegaysaa furriinka xaaskaaga, bal ii waran maxaa dhacay?” markaas ayuu soo koobay ninkii oo yiri “waxaan u imid xaaskayga oo telefoon nin kala hadlaysa oo leh xabiibii, marka ninkaas ay xabiibii leedahay ha raacdo” digtoorkii ayaa yiri “ ma waraysan karnaa gabadha bal waxa ku kallifay?’ wuxuu ku jawaabay “haa” waa loo yeeray, waxaa uu digtoorkii ku yiri “ maxaad samaysay’ waxay tiri: ”digtoore waxaa isoo wacay wiil yar oo dhalinyaro ah oo aanan aqoon, wuxuu igu yiri kelmad aan u baahnaa oo uusan seygeegu igu oran weligiis tobonka sano ee aan xaaska ahay” waa xabiibii”

Markaas ayuu digtoorkii wuxuu yiri: “ khaladka adigaa leh ninyahow, wuxuuna u sharxay mawduucan “farqiyada u dhexeeya lammaanaha, waxaa lagaa rabaa inaad maalintii 10 jeer tiraahdid waan ku jeclahay oo aad maalin timaheeda amaantid oo aad maalin cuntadeeda amaantid, oo aad maalin waaxyaheeda” markaas intay labadoodiiba qosleen ayay bannaanka qolka uga baxeen, halkaas ayayna ku dhamaatay mushkiladii reerkii u burburi lahaa.10 mar hadaad maalin kasta ku tiraahdo xaaskaaga waan ku jeclahay oo uu jaceylka ay kuu qabto xidigaha soo taaban waayo daajis.com ayaa ka masuul ah.

Hadaba ragoow u sheega xaasaskiina inaad jeceshihiin maalin kasta ugu yaraan 10 jeer.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada