Cumar Cabdirashiid “Waxaa heysataan fursad muhiim ah oo aad ku dhisan kartaan Maamulka Jubbaland”

Cumar Cabdirashiid “Waxaa heysataan fursad muhiim ah oo aad ku dhisan kartaan Maamulka Jubbaland”

daajis.com:-Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in dadka Jubooyinka ay heystaan fursad muhiim ah oo ay maamul ku dhisan karaan, isagoo ku baaqay in midnimo la muujiyo.

Isagoo ka hadlayay shirweynaha ka socda Kismaayo ayuu sheegay in loo baahan yahay in dadka deegaanada ay muujiyaan doorkooda, isla markaana sameystaan nidaam u horseeda wada noolaansho aan cuqdad ku jirin.
“Fursad aad heysataan oo aad muhiim ah, maanta waxay ila tahay in aanay jirin cuqdad wixii la qabo loo jeediyo, wixii jiro waa la sixi dooaa, waxaa muhiim ah in dadka midnimo muujiyaan. nidaamka halkan ku ansixineysaan waxay dadka ku wada noolaan lahaayeen waaye, idinka la idinka rabaa in gacantiina wax ku dhismaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.
Shirweynaha ka socda Kismaayo ayaa shalay waxaa lagu ansixiyay dastuur KMG ah oo uu yeelanayo Maamulka Jubbaland, iyadoo todobaadyo gudahood lagu wado in lagu soo doorto Madaxweyne.
Dowladda Soomaaliya oo aad uga soo horjeeda shirweynahaas ayaa horay u cadeysay mowqifkeeda, isla markaana wixii ka soo baxa aanay dowladda u aqoonsan doonin wax la yiraah maamul Goboleed.
Maamulayaasha Kismaayo ayaa doonaya inay ka dhabeeyaan hadafkooda ku aadan sameynta maamul goboleedka Jubbaland, xataa hadii aysan dowladdu imaan shirka oo aysan ka qeyb gelin, kadib markii la isku mari waayay wada hadaladii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Kismaayo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada