Qarax miino oo xalay ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Dahabshiil ku leedahay Suuqa Bakaaraha

Qarax miino oo xalay ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Dahabshiil ku leedahay Suuqa Bakaaraha

daajis.com:-Qarax miino ayaa xalay ka dhacay albaabka hore ee Xarunta Shirkada xawaalada Dahabshiil ay ku leedahay Suuqa Bakaaraha, iyadoo qaraxan uu ku dhaawacmay mid ka mid ah Ilaalada shirkada.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxan ayaa dhacay markii xafiiska la xiray, shaqaalahana ay ka rawaxeen goobtooda shaqo, waxaana qaraxa miino uu ahaa mid lagu aasay albaabka hore ee laga galo Shirkada Dahabshiil.
Maamulaha Shirkada Xawaalada Dahabshiil C/rashiid Dahabshiil ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay in qaraxa uu ka dhaco xafiis ka mid ah xafiisyada Dahabshiil ku leedahay magaalada Muqdisho.
“Aad baan uga xumahay in qarax ka dhaco xafiis ka mid ah xafiisyada Dahabshiil, iyadoo markii u horeysay uu qarax yahay, hal qof oo dhaawac aad u fudud ah baa jira, qasaare aad u kooban weeyaan, wuxuu qaraxa dhacay markii xafiiska la xiray”ayuu yiri C/rashiid Dahabshiil oo la hadlay Idaacada BBC-da.
C/rashiid Dahabshiil ayaa sheegay inay laamo badan ku leeyihiin ilaa 250-xafiis oo ku yaala dhulka Soomaalida, waxaana uu tilmaamay in culeyska saarayaan ammaanka shaqaalahooda oo muhiimad koowaad u ah iyo sidii ay shacabka Soomaaliyed ugu adeegi lahaayeen.
Qaraxan oo aan cidna sheegan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalin ka hor Al-Shabaab ay si KMG shaqada uga joojisay Xarumihii Shirkada Xawaalada Dahabshiil ku laheyd deegaanada Bakool iyo Hiiraan, kadib markii ay ku eedeysay inay waday howlo halis ku ah ammaanka deegaanada Shabaab, isla markaana qabaneysay howlo shirkado shisheeye ay ka mamnuuceen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada