Ergada ka qeybgalaysa shirka Kismaayo oo ansixiyay Axdiga KMG ah ee Maamulka Jubbaland

Ergada ka qeybgalaysa shirka Kismaayo oo ansixiyay Axdiga KMG ah ee Maamulka Jubbaland

daajis.com:-Shirkii ugaga socday magaalada Kismaayo ergooyin ka kala yimid gobolada Jubbada Hoose,Jubbada Dhexe iyo Gedo ayaa ansixiyay axdi KMG ah oo lagu dhaqay maamulka Jubba Land.
Ergooyinka ka qeybgalaya shirkan oo gaaraya 870 ergo ayaa dhammaantood haa ku codeeyay iyadoo aysan jirin cid diiday ama ka aamustay.
Waxaana ansixintan ay wadada u xaareysaa in maamul goboleedka Jubba Land uu doorto madaxweyne iyo mas’uuliyiintii maamuli lahayd dowlad goboleedka Jubba Land.

Kulankii maanta lagu ansixiyay axdiga kumeel gaarka ah ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka ku meelgaarka ah ee Kismaayo.
Ergada ka qeybgalaysa kulankan ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin hore xilal waaweyn uga soo qabtay dowladihii dalka Soomaaliya hore u soo maray, waxaana  ka mid ah Cumar Cabdrashiid Cali Sharma’arke oo ra’iisal wasaare dowladii kumeelgaarka ahayd ee uu Shiikh Shariif madaxweynaha ka ahaa.
Sidoo kale waxaa ka qeybgalaya shirkan Proff Gaandi oo hore wasiir u soo noqday iyo siyaasiyiin kale. Ansixinta axdiga KMG ah ee uu yeelanyo maamulka Jubba Land ayaa waxaa uu wadada u furayaa in ay ergada doortaan madaxweyne iyo siyaasiyiintii hogaamin lahayd maamulka.
Wadahadaladii dhowaan ku dhex maray dowlada Federalka iyo mas’uuliyiinta maamulka  Kismaayo ayaa gaari waayay heshiis waxayna dowlada Federalka oo dooneysay in uusan kulanka lagu dhisayo maamulka la magac baxay Jubba Land uusan qabsoomin ay awoodi weysay in ay dib u dhigto kulankan.
Inkastoo haatan ergada ka qeybgalaysa kulanka ay doonayaan in ay dhisaan maamul la magac baxay Jubba Land ayaa hase ahaatee deegaano badan oo ka mid ah gobolada maamulka dhisanaya waxaa gacanta ku haya xarakada Alshabaab.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada