Daawo Sawirada :- N. Korea oo Xadka ka Xirtay Shaqaalaha S. Korea

Daawo Sawirada :- N. Korea oo Xadka ka Xirtay Shaqaalaha S. Korea

daajis.com:-Kuuriyada Woqooyi ayaa joojisay in shaqaalaha Kuuriyada Koofure ee ka xoogsada goob ay ku yaalaan warshado ay wadaagaan labada dal, kuna taalla dhinaca Kuuriyada Woqooyi ay ka soo gudbaan xudduuda, talaabadaas oo sii xumaynaysa calamaaddii u danbeysay ee wadashaqeyn dhexmarta labada dhinac.
Pyongyang ayaa Arbacadan maanta ah joojisay inay dadka u dhashay kuuriyada koofure ay galaan goobaha ay warshaduhu ku yaalaan, hase ahaatee waxa ay kuuriyada woqooyi ogolaatay in boqolaal shaqaalaha Kuuriyada Koofure ah ay ka baxaan goobaha warshadaha.
 
Kuuriyada Koofure ayaa sheegtay in aan lala socodsiin inta ay soconeyso xanibaadan ku timid shaqaalahooda, hase ahaatee waxa ay sheegtay in hadii ay dheeraato mudadu ay shaqalaha kuuriyada koofure soo wajahi doonto cunno yari iyo nolol maalmeedka oo gabaabsi noqda. Afhayeenka Wasaaradda Mideynta Kim Hyung-Seok ayaa sheegay in muhiimadda koowaad ee Seoul ay tahay nabadgalyada shaqaalahooda.
 
Wasaaradda gaashaandhiga ee Kuuriyada Koofure ayaa sheegtay in qaaditaanka tillaabo milateri ay tahay waxa ugu danbeeya ee ay sameynayaan hadii amaanka shaqaaluhu uu halis galo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada