Daawo Sawirada Wiil Soomaali Ah Oo Lagu Toogtay Magaalada London

Daawo Sawirada Wiil Soomaali Ah Oo Lagu Toogtay Magaalada London

daajis.com:-Wiil Soomaali ah oo 19 jir ayaa lagu toogtay xaafada Edmenton ee magaalada London ee caasimada dalka Britain.

Wiilkaan ayaa lagu magacaabaa Mohammed Hussein waxaana xabad looga dhuftay xabadka. Goobjooge ayaa booliska u sheegtay inay maqashay qeylo iyo muran markii hore xoogaa kadibna ay aragtay 3 nin sii cararaya wiilkaan oo jirkiisa oo dhan dhiig qariyay.

Arinkaan ayaa dhacay isniintii ee shalay saacadu markay ahayd 9:45PM ee xiliga magaalada London.

Majirto cid ilaa hada loo soo qabtay dilkaasi balse booliska ayaa sheegay inay ku howlanyihiin baaritaanka arinkaan naxdin leh. Waayadaan dambe ayaa waxaa soo badanayay dilalka loo geysto dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Britain kuwaasoo intooda badan kasoo cararay wadanka Soomaalia ee dagaalada sokeeye daashadeen si ay u helaan nabad galyo.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada