Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamo Daacad u ah Cismaan Xaadoole iyo Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo xiligan kasocda…

Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamo Daacad u ah Cismaan Xaadoole iyo Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo xiligan kasocda…

daajis.com:-Dagaal xooggan ayaa waxa uu xilligaan dhex marayaa ciidamada meleteriga Soomaaliya iyo ciidamad daacad u ah Gudoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhaxe Cismaan Xaadoole.


Dagaalkaan oo ka bilaawday goob ay jid gooyo u taallo maamulka Balcad ayaa wararka hor dhaca ah waxa ay sheegayaan in uu ka socdo xilligaan xarunta degmada iyada oo qasaaraha ka dhashay lagu sheegayo inta la’ogyahay hal askari oo geeriyooday.

Dagaalka ayaa waxa uu sababay barakac magaalada ka bilaawday iyada oo la sheegayo in ciidamada meleteriga Soomaaliya ay guud ahaan la wareegeen degmada oo dhan marka laga reebo xarunta degmada oo uu dagaalku ka socdo.


Xaalada Degmada Balcad ayaa ah mid kacsan waxaan halkaasi laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah aan horey looga baran dadka qaarkood ayaa bilaabay in ee guryahooda ka baxaan si ay uga bad baadaandagaalka halkaasi kasocda.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada