Liverpool Oo Lagu Soo Waramayo Inay Noqon Doonto Kooxda Xigta Ee Dhaqaale Xoog Leh Ka Hesha Qatar.

Liverpool Oo Lagu Soo Waramayo Inay Noqon Doonto Kooxda Xigta Ee Dhaqaale Xoog Leh Ka Hesha Qatar.

daajis.com:-Liverpool ayaa laga yaaba inay noqoto kooxda xigta ee dhaqaale xoog leh uu uga yimaado Qatar, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

TV-ga Al Jazeera ayaa sheeganaya in Reds ay wadahadalo kula jirto Ooredoo oo ah shirkad weyn oo isgaarsiin ah oo ka jirta dalkaas Qatar kuwaasoo doonaya inay noqdaan shirkad cusub oo lagu xayaysiiyo maaliyada Liverpool islamarkaana ay doonayaan inay sameeyaan arin muran dhalin karta oo ah inay iibsadaan magaca xuquuqda Anfield.
Waxaana Al Jazeera ay soo xiganeysa agaasime ka tirsan shirkada Ooredoo, kaasoo sharxaya sababta ay u doonayaan inay ganacsi la sameeyaan Liverpool.

“Yoolkeena waa inaan xayaysiin ka helno koox weyn oo Ingariis ah oo taariikh weyn leh, baaritaankeena waxaa ka qeyb ka ahaa Arsenal iyo Manchester United laakiin labada kooxoodba waxa ay ku jiraan heshiisyo waqti dheer si la mid ah Manchester City, sidaasi darteed Liverpool ayaa ah kooxda kaliya ee banaan.” ayaa lagu soo waramayaa inuu yiri.
“Waxaan dooneynaa inaan xayaysiin guud ahaan ah la galno kooxda. Waxaan dooneynaa inuu magaceena ka muuqda garoonka iyo sidoo kale maaliyadaha kooxda.
“Ujeedadeena waa inaan gaarno suuqyada Asia, halkaasoo Premier League uu ku leeyahay taageerayaal aad u badan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada