Falanqeynta Kulamada Horyaalka Ingariiska Ee Premier League Ee Maanta La Ciyaari Doono.

Falanqeynta Kulamada Horyaalka Ingariiska Ee Premier League Ee Maanta La Ciyaari Doono.

daajis.com:-Chelsea ayaa rajeyneysa inay maanta dib ugu soo laabato booska kaalinta 4aad oo shalayto ay ka gashay Arsenal kulanka ay maanta ku martigelinayaan Stamford Bridge kooxda Sunderland.

Kulanka: Chelsea v Sunderland Garoonka Stamford Bridge 
Garsoore: Neil Swarbrick
Waqtiga: 5pm SGA
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
CHELSEA
Chelsea FC
Cech
Azpilicueta, Ivanovic, Luiz, Bertrand
Ramires, Mikel
Hazard, Oscar, Mata
Ba
SUNDERLAND
Sunderland
Mignolet
Gardner, O’Shea, Bramble, Rose
Johnson, N’Diaye, Larsson, McClean
Sessegnon
Graham
Weeraryahanka Chelsea Demba Ba ayaa dib loogu yeeri doonaa line-upka kooxda madaama uu ka fariistay kulankii Europa League.
Gary Cahill iyo Oriol Romeu oo labadooda jilibka ka dhaawacan iyo Ashley Cole ayaa ah ciyaartoyda la hubo inay ka maqnaanayaan Blues.
Tababaraha cusub ee Sunderland Paolo Di Canio ayaa wajahaya dhaawacyo badan iyadoo David Vaughan iyo Carlos Cuellar ay u badan tahay inaysan taam noqon doonin.
Lee Cattermole iyo Steven Fletcher ayaa iyaga dhaawac ku maqnaanaya inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, laakiin West Brown ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro.
Ma Ogtahay? Chelsea ayaa garaacday Sunderland 15 kulan oo ka mid ah 16kii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaareen Premier League, waxaana ay haatan ku riyaaqayaan guulo afar ah oo isku xiga oo ay ka gaareen Black Cats.
Kulanka: Liverpool v West Ham Garoonka: Anfield
Garsoore: Anthony Taylor
Waqtiga: 3:30 pm SGA
LINE-UPKA MACQUULKA AH:

LIVERPOOL


Reina
Johnson, Carragher, Agger, Enrique
Gerrard, Lucas
Coutinho, Henderson, Downing
Suarez
WEST HAM
West Ham
JaaskelainenDemel, Reid, Collins, O’Brien
Diame, O’Neil
Jarvis, Nolan, Vaz Te
Cole

Liverpool ayaan qabin dhaawacyo cusub sidaasi darteed Rodgers ayaa laga yaabaa inuu ku dhegnaado line-upkii uu ku garaacday Aston Villa isbuucii hore.
Joe Allen, Fabio Borini iyo Martin Kelly ayaa dhamaantood dhaawac ah.
Weeraryahanka West Ham Andy Carroll ayaan ka horimaan karin kooxda iska leh milkiyadiisa madaama uu amaah ku joogo West Ham, sidaasi darteed Carlton Cole ama Marouane Chamakh midkood ayaa ciyaari doona.
Joe Cole ayaa sidoo kale dhaawac ku seegaya ku laabashadiisa Anfield, iyadoo Mark Nople uu isna dhaawac garabka ah ku maqnaanayo.
Ma Ogtahay? West Ham marnaba Liverpool kuma garaacin Anfield 16 kulan oo Premier League ah oo ay isku dayeen.
Kulamada kale ee maanta la ciyaarayo kooxda Tottenham oo dooneysa inay sii xajisato booskeeda kaalinta 3aad ayaa waxa ay martigelin doontaa Everton, iyadoo kulankaas adag ee ka dhacaya White Hart Lane uu bilaaban doono 4:05 pm SGA.
Newcastle United ayaa iyadana wajihi doonta Fulham, halka kooxaha heerka hoose ee QPR iyo Wigan Athletic ay iyagana isku dhegan yihiin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada