Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Premier League Ee Arsenal v Manchester United.

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Premier League Ee Arsenal v Manchester United.

daajis.com:-
LINE-UPKA MACQUULKA AH:

ARSENAL

Szczesny
Sagna, Mertesacker, Koscielny, Gibbs
Ramsey, Wilshere, 
Walcott, Rosicky, Cazorla
Podolski 
MANCHESTER UNITED

De GeaRafael, Vidic, Ferdinand, Buttner
Cleverley, Jones,
Welbeck, Kagawa, Nani
Chicharito
 
Inkastoo Manchester United ay isniintii hore xaqiijisatay hanashada horyaalka Premier League hadana kulankaan ayaa ah mid xamaasad leh, waa marka hore xafiiltanka kubadeed ee ka dhaxeeya labada kooxood, iyo tan labaad oo ah in Arsenal ay u dagaalameyso booskeeda Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda, halka tababare Sir Alex Ferguson uu isna maanka ku hayo inuu jabiyo rikoorka dhibcaha horyaalka lagu qaaday ee ay 95 dhibcood ku heyso Chelsea.
Arsenal ayaa rajeyneysa inay guul ku gaarto garoonkeeda islamarkaana Chelsea laga badiyo ama lagu dhego kulanka Swansea si ay fursad fiican ugu helaan kaalinta 3aad ee kala sareynta horyaalka, taas caksigeeda ayay iyadana Blues rajeyneysaa.
Waxaa kulankaan uu sidoo kale ka dhigan yahay in Van Persie uu markii ugu horeysay ku laabanayo Emirates garoon uu kabtan ka ahaa ka hor inta uusan ka soo tagin xilli ciyaareedkan, waxaana uu qeyb ka noqon doonaa ciyaartoyda United oo sacab sharafeed ay ku soo dhaweyn doonaan kuwa Arsenal ka hor inta aysan ciyaarta bilaaban madaama dhaqan iyo ixtiraam ay ka tahay kubada cagta Ingariiska iyo dalalka kale ee Yurub.
Kulanka: Arsenal v Manchester United
Garoonka: Emirates Stadium
Waqtiga: 6pm SGA (Saacada Geeska Afrika)
Arsenal ayaa waxaa ka maqan weeraryahankooda Olivier Giorud kaasoo ku maqan ganaax seddex kulan ka dib markii uu ku guuldareystay racfaankii uu ka qaatay casaankii la siiyay kulankii Fulham.
Lukasz Fabianski ayaa weli la maqan dhaawacii feeraha halka Abou Diaby iyo Ryo Miyaichi ay iyagana maqan yihiin inta ka dhiman xilli ciyaareedka.
Taabaraha Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa qirtay in ciyaartoydiisa keyd inuu soo safi doono inta u dhaxeysa haatan ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka madaama ay hanteen horyaalka.
Javier Hernandez, Tom Cleverley, Danny Welbeck iyo Nani ayaa la filayaa inay ku soo bilowdaan.

MA OGTAHAY?
  • Vanpires
    Arsenal ayaa kaliya afar kulan shabaqa ilaashatay 16kii kulan ee Premier League ugu danbeysay ee ay ku ciyaareen Emirates Stadium.
  • Kaliya Gunners (18) ayaa goolal badan dhalisay 15ka daqiiqo ee ciyaar u danbeysay marka loo fiiriyo Manchester United (15).
  • Manchester United ayaa ah kooxdii ug

    u horeysay ee loo caleemo saaro horyaalka iyadoo ay afarka kulanka uga harsan tahay tan iyo markii ay Arsenal sidaasi sameysay xilli ciyaareedkii 2003-04.
  • Robin van Persie ayaa shabaqa soo taabtay 17 jeer, 17kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee uu ku ciyaaray Emirates Stadium.
  • Wayne Rooney ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee Premier League, goolkiisii ugu horeeyay ee horyaalka ee Man United iyo goolkiisii 100aad ee Premier League waxa uu dhamaantood ka dhaliyay Arsenal.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada